Wargaysyada Spain Ugu Waa Wayn Ee Marca, AS, Mundo Derportivo Oo Si Wayn Uga Hadlay Madrid Derby, Barbarihii Barca, Bandhigii Ronaldo & Isco Iyo Maqnaanshihii Lionel Messi & Suarez

0
448

waaxa qoreya

Kulamadii 12 aad ee horyaalka La Ligaha ayay ka soo baxeen natiijooyin si wayn ay wax uga qoreen wargaysyada Spain ugu waa wayn iyo saxaafada aduunkuba. Real Madrid ayaa indhaha aduunka ku qabsatay guushii waynayd ee Calderon kaga soo gaadhay kooxda Ateltico Madrid halka barbarihii Barcelona ay Camp Nou kula gashay Malaga iyo waxyaabo muran badan dhaliyay ay saxaafadu si wayn uga hadashay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxyaabihii ugu waa waynaa ee ay Wargaysyada Spain bogooda hore ku soo qoreen maanta iyo waxyaabihii ay ka yidhaaheen kulamadii shalay iyo xalay la ciyaaray.

BOGA HORE EE WARGAYSKA MARCA:

Wargayska Marca ee Madrid ka soo baxa ayaa bogiisa hore soo dhigay sawirka Ronaldo oo kamarada hor fadhiya waxayna ciwaan uga dhigtay: ” Sidan ayay Madrid maamulka ku qaadatay” Waxaana la sii raaciyay natiijada kulankii Madrid Derby ‘Atletico Madrid 0-3 Real Madrid’. Marca ayaa sidoo kale raacisay: “Mucjisadii Isco iyo saddexleydii Cristiano. Casharkii tatikada Zidane ee derbigii ugu danbeeyay Calderon”.

Dhinac kale Marca ayaan ilaawin kulankii Camp Nou waxayna ciwaan uga dhigtay: “Messi la’aantiis, fikrado ma jiraan”, waxayna lasii raacisay natiijada kulankii Camp Nou ‘Barcelona 0-0 Malaga’. Marca ayaa qirtay in goolhayaha Malaga ee Kameni iyo waxyaabo muran badan dhaliyay ay Barcelona guusha ka beeniyeen.

Wargayska kale ee Madrid ka soo baxa ee AS ayaa bogiisa hore u hibeeyay kulankii Madrid wuxuuna soo qaatay Ronaldo iyo sawir guud oo ay ciyaartoyda Madrid gashay kadib kulankii Calderon waxaana ciwaan looga dhigay: “Cristiano waxa uu sheegay ‘Aniga ayaa halkan ka taliya’. Waxaana la sii raaciyay: ‘Bandhigii Isco iyo saddexleydii ayaa burburiyay”.

AS ayaa dhinaca kale soo qaadatay hadalkii Simeone ee kadib kulankii Madrid Derby: “Rekoodhihii ayaaa dilay jawaabtayadii qaybtii danbe ee kulanka”. Waxaana sidoo kale la sii raaciyay hadalkii Zidane iyo in Ronaldo uu soo xidhay doodii Ballon d’Orka lagula tartami lahaa: “Cristiano hadda waxa uu soo xidhay doodii Ballon d’Orka”.

Ugu danbayn wargayska AS ayaa qormo kooban ka soo qaatay kulankii Barca waxaana lagu yidhi: “Barcelona uu ka maqnaa Messi ayaa ku fashilantay kulankii Malaga oo 9 ciyaartoy ku dhamaysatay. Show-gii Kameni”.

Wargayska Catalonia ka soo baxa ee Mundo Deportivo ayaa saddex arimood boga hore ee wargayskeeda kaga hadlay oo kala ah kulankii Malaga, Madrid derby iyo kulankii Bayern Munich guuldarada kala kulantay Dormund.

Ugu horayn Mundo Deportivo ayaa barbarihii Barcelona ku eedaysay saddex arimood, maqnaanshihii Messi iyo Suarez iyo qaladaad uu garsooruhu sameeyay dhamaadkii kulankii Camp Nou waxaana ciwaan looga dhigay: “Barca waxay awoodi wayday in ay dumisho gidaarka Malaga kulan hooseeyay oo aan lagu guulaysan weerarka. Maqnaanshihii Messi, dhibaatadii daqiiqadii ugu danbaysay (qaladkii garsoorka) iyo maqnaanshihii Luis Suarez ayaa wax kasta ka dhigay wax adag”.

Mundo Deportivo ayaa Madrid Derby ka qortay: ‘Los Blancos waxay sii dheeraysteen faa’iidadooda kadib guushii Derbiga” Waxaana sidoo kale boga hore looga hadlay guuldaradii Bayern Munich: ‘Bayern waxay ku burburtay Dortmund, Leipzing ayaa ah hogaamiyaasha kaliya”