Warsaxaafadeed – Mowqifka xisbiga KULMIYE ee qabsoomidda doorashooyinka

0
328

Warsaxaafadeed – Mowqifka xisbiga KULMIYE ee qabsoomidda doorashooyinka

Hargeysa(Warsugannews)War-saxaafadeed-11 June 2016-Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo mar walba xil wayn iska saaraya gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee ka saaran dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay waqti iyo dedaal badan ku bixiyeen dhammaystirka arrimaha dhankooda khuseeya ee doorashooyinka Somaliland si ay ugu qabsoomaan xilligooda ku astaysan 28 March ee sannadka 2017.

KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay muddo hore dhammaystireen dhammaan wixii kaga beegnaa hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada hadday tahay dhaqaale, shuruuc, waajibaadka looga baahan yahay xisbiga gudihiisaba iyo qodobo kale.

Ma jiraan habayaraatee aragtiyo iska soo horjeeda oo KULMIYE iyo xukuumaddiisu ka kala aaminsan yihiin qabsoomidda doorashooyinka, balse waa isku mowqif, waxaanna mar walba ka go’an siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi u caddeeyeen marar badan in ay doorashooyinku ku dhacayaan xilligooda oo aanay raali ka ahayn dib-u-dhac kale oo ku yimaada.
Sidaasi darteed, waa waxba kama jiraan wararka lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta maalmihii u dambeeyey ee lagu sheegayey inay jirto muddo-kordhin labaad iyo mowqifyo arrintaa la xidhiidha oo ay ku kala duwan yihiin xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE.

Sida la wada ogyahay caqabadda keliya ee ilaa hadda hortaal doorashadu waa xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Wakiillada oo aan diyaar ahayn, kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI uu tahlikariwaayey inuu dhammastiro shuruucdii looga baahnaa doorashada mudanayaasha aqalka Wakiillada oo uu masuulka u sareeya ahaa muddo 11 sanno ah, kana soo bilaabmaysa markii mudanayaasha golahaas la doortay bishii September ee sannadkii 2005.
ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Waaxda Warbaahinta Xisbiga KULMIYE