Warsidaha Daily Maverick: Somaliland Waa Awoodda Dimuqraadiyadda

0
271

Agaasimaha xarunta Brenthurst Foundation Greg Mills, ayaa warbixin ay ku daabaceen warsidaha Daily maverick ee dalka Koonfur Afrika, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, waxay kaga marag fureen dimuqraadiyadda gaamurtay ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Goob-joogeyaashaasi waxa ay xaqiijiyeen inay Somaliland ay xoojisay hannaan dhaqameedkeeda dimuqraadiga ah oo u sahashay inay noqoto dalka ugu awooda badan dhinaca dimuqraadiyadda ee gobolka Geeska Afrika. Waxa kaloo ay tilmaameen in dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland ay weji gabax ku tahay dalalka qaniga ah ee Afrika oo madaxdoodu lugta hayaan hannaanka dimuqraadiyadda.

Greg Mills iyo kooxdiisu waxay sheegeen inay Somaliland ay dimuqraadiyadda u adeegsato si ay bulshadu wadajir ugu naaloodaan.

Xubnaha goobjoogeyaasha ahi waxay warbixinta ay ku daabaceen warsidaha Daily maverick, ku iftiimiyeen in Somaliland laga baran karo in aan hodantinimo dhaqaale lagu gaadhi karin dimuqraadiyad, waxaanay tusaale u soo qaateen in miisaaniyadda Somaliland oo qadarkeedu dhan yahay $250 Milyan oo doolar ay haddana Somaliland ku tallaabsatay dimuqraadiyad naadir ah.

Waxana ay ka marag fureen inay Somaliland ku shaqeynaysay muddo dheer fikir ah “inaad waxa ugu badan ku qabsato waxa ugu yar ee aad haysato”, waxana ay Somaliland soo bandhigtay in hirgelinta nabadgelyadu aanay u baahnayn maalgelin dibadeed.

Sidoo kale, goobjoogeyaashu waxa ay intaas ku dareen in farogelin la’aanta shisheeye ay tahay asbaabaha Somaliland u guulaysatay, si ka duwan dalka la dariska ah ee Soomaaliya oo la qabsatay farogelinta iyo ciidammada shisheeyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here