Wasaarada Biyaha Oo Dayactir Ku Samaysay Ceel-biyood Ku Yaala Degmada Ganbadha

0
370

Wasaarada Biyaha Oo Dayactir Ku Samaysay Ceel-biyood Ku Yaala Degmada Ganbadha

Ganbadha (Warsugan) Wasaarada Kharyraadka biyaha Somaliland ayaa dayactir ballaadham iyo dib u habayn ku samaysay ceel-biyood ku yaala Degmada Gambadhe ee gobolka Sool, ceelkaasi ooay ka cabaan badi dadka degmadaasi iyo deegaanada hoos yimaada.

Wasaarada khayraadka biyaha oo muddooyinkii u danbeysay waday dayactir iyo ballaadhin ay ku sameynaysay ceelasha biyaha gobollada dalka, gaar ahaan gobolka Sool ee bariga Somaliland, ayaa waxaa ay dayactir balaadhan ku sameysay, ceelbiyood ay badi ka cabaan dadka degmada Ganbadha 30-Km dhinca bari kaga began magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dayactira iyo dhameystirka Ceel-biyoodkan oo shalay la soo gabagabeeyay ayay si weyn u soo dhaweeyeen guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Gambadhe, gaar ahaan madaxdhaqameedka, culimo-awdiinka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegaankaasi laga hirgeliyay ceelbiyoodka.

Isu duwaha wasaarada khayraadka biyaha Somaliland ee gobolka Sool Mudane Axmed Maxamuud Xirsi Cartan (Calaal), ayaa ugu horrayn hadal ka jeediyay munaasibadii dhamaystirka Ceel-biyoodka, waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha mudane Baashe Cali Jaamac, agaasimaha guud ee wasaaradda, Hay’ada IOM, bulsho weynta ku dhaqan deegaanka Gambadhe iyo ciidamada qaranka Somaliland ee aaga bari, isaga oo ku amaanay kaalinta muga leh ay ka qaateen hirgelinta iyo dhamaystirka ceelkan, isaga oo tilmaamay in la’aantood aanay waxba ka hir galeen hawshan.

Mudane Axmed Maxamuud Xirsi Cartan (Calaal), waxa kale oo uu u mahad naqay dhamaan ciddii kaalin ka gaysatay hawshan lagu dayactiray ceelbiyoodkan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasaarada kheyraadka biyaha Somaliand waa ay ka jawaabtay gurmadkii ceelka biyaha ee degmada Ganbadhe, sidoo kale ciidanka qaranka Somaliland ee aagga bari arintaasi gurmad weyn ayay ka gaysteen, waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa Hay’ada IOM, wasiirka wasaarada khayraadka biyaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradani sida ay hawshani u dhaqaajiyeen”
Injineer Mustafe Ciise Xuseen oo ah masuul ka socday wasaarada khayraadka biyaha Somaliland ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu faahfaahin ka bixiyay dayactirka balaadhan ee lagu sameeyay ceel-biyoodkan waxaanu yidhi “ceelkan oo ku yaala degmada Ganbadha ee gobolka Sool, ceelkan oo mudooyinkii u danbeeyay aan shaqaynayn ayaa waxaa dayactir iyo dib u habeyn ku sameysay una soo gurmatay wasaarada kharyaadka biyaha Somaliland, iyada oo sameyntiisa ay naga caawisay Hay’ada IOM oo iyadu dhamaanba soo bixisay qalabka lagaliyay ceelkani”

Eng. Mustafe Ciise Xuseen, waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Ceelkan waxaa la galiyay oo la keenay mushiin 60-KVA ah, 14-Beebka galaaska cad loo yaqaano ah, iyo Bamkoodi oo ahaa 11-Kiloowaat, waanay ku rakibtay ceelkii biyaha waa ay ka soo tuurtay, sidaasaanu ceelkii hada ku shaqeynayaa, waxaana arinkaa mahadnaqiisa iska leh wasaarada khayraadka biyaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Hay’ada IOM oo iyadu maalgalinta iska leh”Gudoomiyaha degmada Ganbadha Hure Maxamad Cabdule, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahadnaqay wasaarada khayraadka biyaha iyo hay’adda IOM, dayactirkan ay ceel-biyoodkan ku sameeyeen waxaanu yidhi “wasaarada khayraadka biyaha iyo Hay’ada IOM waanu uga mahad naqaynaa, dayactirka balaadhan ee ay noogu sameeyeen ceelkan”