Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo La Tacaalaysa Cudurro Ka Dhashay Abaaraha

0
771

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo La Tacaalaysa Cudurro Ka Dhashay Abaaraha

“Dawladdaha Hoose Waa Inay Bakhtiga Xoolaha Ururiyaan Oo Gubaan,” Wasiir Xaglotoosiye
Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay jiraan cudurro qaarkood la garan waayay ka dillaacay degaannada abaaruhu saameeyeen. Xannuunnadan oo xoolaha laynaya ayaa laga cabsi qabaa inay dadka u gudbaan, waxaana meelaha qaar laga sheegaya xannuuno dhanka caloosha ka asiibaya dadka oo ka dhashay cunista hilibka xoolaha caatada ah.
Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa dawladaha hoose ugu baaqay inay basriyaan bakhtiga xoolaha “Xoolo badan baa dhintay, meel kasta oo dalka aad marayso waxaa yaalla bakhtigii xoolaha oo aad u baaba’ay. Bakhtigaasi wuxuu qayb ka qaadanayaa faafista xannuunada, haddii aan la ururin oo aan la gubin, arrintaas shaqadeedana waxaa leh dawladdaha hoose. Dawladdaha hoose waxaanu ka codsanaynaa wasaarad ahaan inay bakhtiga ururiyaan oo gubaan si looga hortago cudurro ka yimaadda,” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Cabdicasiis Cali cadaani oo ka mid ah dadka ka shaqeeya gurmadka abaaraha ayaa sheegay in degaanno gobollada bariga ah ay ku arkeen cudurro bulshadu garan wayday “Waxa jirta in markii meel roob yari ka da’ay ama biyo leh xoolihii la isugu wada keenay ayaa cudurro aan a garanayni haleeleen. Waxa jira oo kale cudur dadku ganac u bixiyeen oo ay keenaan dhir xooluhu daaqeen, islamarkaana xoolaha indhaha dhiig ka imanayo oo ay qarxayaan. Waxa kale oo ay noo sheegeen dadku in neefku markuu dhinto degdeg haraggu uga cararayo,” ayuu yidhi Cabdicasiis oo la hadlay VOA.

Dhinaca kale waxa uu wasiirka caafimaadku sharraxay dadaallada ay kula tacaalayaan xakamaynta iyo dawaynta xannuunnada ka dhashay abaaraha, waxaanu sheegay inay sameeyeen xarun caafimaad oo wareegaysa “Waxay kooxahaasi qabanayaan daawaynta bukaan kasta oo ay la kulmaan oo qaba xannuunnada ay abaaruhu keeneen ee ay ka mid yihiin Shubanku, oof wareenku ka mid yahay, ee nafaqo darradu ka mid tahay ayay halkooda ku dawaynayaan. Waxa ay samaynayaan qiimaynta xaaladda nafaqo ee hooyooyinka iyo carruurta,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku wuxuu sheegay inay Wajaale ka wadaan dadaal lagu xakamaynayo xannuunka Shuban Biyoodka oo ka dillaacay, islamarkaana ilaa hadda la daweeyay 117 qof, sidoo kalena adeegyada caafimaad loo dhammaystiray.
Xigasho Wargeyska Warsugan