Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Tababar U Furtay Garsoorayaasha Dhex-dhexaadinaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada 2016

0
286

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Tababar U Furtay Garsoorayaasha Dhex-dhexaadinaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada 2016

Hargeysa (Warsugan) Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa tababar aqoontooda kor loogu qaadayo u furtay 45 xubnood oo ah garsoorayaasha dhex-dhexaadin doona tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee maalinta Khamiista ka bilaabmi doona caasimadda Hargeysa.

Tababarkan oo ay.iska kaashadeen wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, kaas oo socon doona muddo 3-cisho ah, waxaana garsoorayaasha ka qeyb-galay tababarkani ay ka kala socdeen ciyaaraha kubadda cagta, kubadda koleyga iyo orododa kaas oo ka qabsoomay Hoolka dalladda SONYO.

Munaasibadii furitaanka tababarka waxaa ugu horeyn ka hadlay kana war-bixiyey tababarkan iyo faa’iidadiisa Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, waxaana uu ku dheeraaday ujeedada tababarkani uu u leeyahay garsoorayaasha kala duwan ee dhex-dhexaadinaya tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland 2016, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka wasaarad ahaan ay ku dedaaleen inay meesha ka baxdo cabooshinka baddan ee dhanka garsoorka ka yimaada.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland Mr. Maxamuud Xassan Cabdilaahi (Qodax) oo ku hadlayey afka xidhiidhada ciyaaraha Somaliland, ugu horeyn waxa uu uga mahad-naqay wasaaradda ciyaaraha qeybta laxaadka leh ee ay ka qaadatay tababarkan. Guddoomiye Qodax ayaa sidoo kale xubnihii tababarkan qaadanayey xasuusiyey muhiimadda tababarka loo siinayaa inay tahay inay noqdaan kuwo si cadaalad ah u guta masuuliyadda saaran, muddada tababarku socdana u dhabar adeyga wakhtiga sidoo kalena ka faa’ideysta duruusta iyo sharciyadda la siinayo.

Garsoore Yuusuf Maaweel oo ah garsoore heer caalami ah oo khibrad iyo aqoonba u leh kubadda cagta ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaana uu wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha ku maanay doorka muuqda ee ay ku doonayaan in garsoorku noqdo mid cadaalad ku dhaqma sidoo kalena aqoontiisu dhisnaato, sidoo kalena waxa uu xubnihii garsoorayaasha ahaa uu ku guubaabiyey inay masuuliyadda saaran si qurux baddan oo dhex-dhexaada ah u gutaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa ku dheeraaday tababarkan iyo faa’iidada laga dhaxli karo, waxaana uu ku tilmaamay tababarkan in lagaga bixi doono cabashadii badnayd ee dhanka garsoorka laga qabay
“Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta hawshan muhiimka ah ee tababarkan kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha kala duwan ee garsoori doona tartanka ciyaaraha dalkeena Somaliland aynu iskugu nimaadno, waxaan uga mahad-naqayaa cidkasta oo gacan ka geysatay oo masuuliyiinta sarre ee wasaaradu ugu horeyso, tababarkani maaha kii ugu horeeyay ee noocan ah ee loo qabto garsoorayaasha ciyaaraha dalkeena, waxaynu ognahay dhanka garsoorka inay ka jirto cabasho xoogan oo mararka qaar dhalliilo xoogan loogu soo jeediyo wasaaradda, laakiin maanta waxaad markhaati ka tihiin inaan diyaar u nahay inaan saxno waxkasta oo dhib ku keeni kara ciyaaraha. Ciyaarihii gobollada ee ugu dambeeyay si xoog ah ayaa looga cabanayey garsoorka laakiin waxaan ku rajo weynahay hadda laga bilaabo inaan laga caban doonin garsoor dambe oo tababarkani uu dawo ka noqon doono” ayuu yidhi agaasimaha guud. Garsoorayaasha kala duwan ee sidoo kale gobolada dalka ka kala yimid waxaan ugu baaqaya inay dedaal la yimaadaan oo aqoonta ay tababarkan ay ka helaana ay ka muuqato, si cadaaladana u garsooraan tartanka ciyaaraha gobolada ee Khamiista inoo furmi doona” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.

Gaba-gabadiina waxaa halkaasi ka hadlay, sidoo kalena furay tababarkan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay garsoorayaasha iyo in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee garsoorayaasha kala duwan ee ciyaaraha, loona baahan yahay in ay fahan buuxa ka qaataan shuruucaha kala duwan ee ciyaaraha si ay bulshadooda u siiyaan adeeg hufan oo cadaaladeed.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office