WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURYEYNTA OO SHAHADOOYIN KU MAAMUSTAY HAY’ADAHA SDF IYO ILO

0
464

WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURYEYNTA OO SHAHADOOYIN KU MAAMUSTAY HAY’ADAHA SDF IYO ILO

Hargeysa(Warsugannews)-Sawirada Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Shahadooyin Ku Maamustay Hay’adaha SDF Iyo ILO Wasaarada Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland ayaa shahaadooyin ku maamustay hay’adaha SDF, oo ah sanduuqa horumarinta Somaliland iyo hay’ada ILOAbaal marintan ayay Wasaaradda Hawlaha Guud ugu hibaysay labadaas hay’adood doorkooda wadashaqayn ee ay la wadagaan Wasaaradda.

Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa isagu gudoon siiyay shahaadooyinka abaal marinta ah wakiilada labadaas hay’adood, kuwaas oo kala aha Mr. Antoni oo ka wakiil ahaa Sanduuqa SDF, iyo Mr. Rooble oo ka socday hay’adda ILO.

Wasiirka Hawlaha Guud ayaa sheegay inay labadan hay’adood door halbawle ah kaga jiraan wadashaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradda, marka loo eego hay’adaha kale ee xidhiidhku ka dhaxeeyo