Wasaaradda Maaliyadda Oo Hirgelisay Nidaam Casri Ah Oo Cashuurta Loo Ururinayo

0
370

Wasaaradda Maaliyadda Oo Hirgelisay Nidaam Casri Ah Oo Cashuurta Loo Ururinayo

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa samaysay nidaam cusub oo dadka cashuur bixiyeyaasha ah iyo shaqaalaha wasaaradda u sahlaya xaraynta cashuurta. Nidaamkan casriga ah oo ah mid elektarooni ah waxaa wasaaradda ka caawisay waaxda mucaawimada dibada ee dawladda Ingiriiska.

Agaasimaha waaxda cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Cawad ayaa sharraxay xafiiskan cusub ee cashuur ururinta “Xafiiskan oo ku dhex yaalla waaxda cashuurraha barriga, waa mid loogu talo galay inuu diwaangeliyo cashuur bixiyeyaasha. Xafiiskani wuxuu soo kordhinayaa inuu cashuur bixiyaha ku diwaangeliyo foomam heer caalami ah oo dhammaan macluumaadka cashuur bixiyaha looga baahan yahay ku yaallaan foomka. Waxa kale oo uu cashuur bixiyuhu helayaa lambar, kaas oo imbadan shirkaddaha iyo cashuur bixiyeyaasha kale na waydiinayeen,” ayuu yidhi agaasime Cawad.

Wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay inuu nidaamkan cusubi ilaalinayo cashuurta “Siyaabo badan oo wax inagaga lumi jireen ayaa jirtay oo in la bedelo u baahna. Nidaamkan kombuutarka ama elektarooniga ahi shaqaalahana wuu u fudud yahay, cashuur bixiyahana wuxuu u noqonayaa mid aan kolba waxba la masaxayn,” ayay tidhi marwo Samsam.

Wasiirka ayaa shaqaalaha nidaamkan ku shaqaynaya ku boorrisay inay bulshada cashuurta bixisa si hufan ugu shaqeeyaan “Dhalinyarada nidaamkan ku shaqaynaysa waxaan leeyahay waa inaad si fiican oo soo dhaweyn leh u shaqaysaan, waayo cashuur bixiyuhu waa waxa aynu mushaharka ku qaaddanno. Cashuur bixiye ayaa waddankan wada, waana in si soo dhaweyn leh loogu shaqeeyo, saacaddaha shaqada la ilaaliyo, qofku markuu halkaas ka soo galena isagoo faraxsan idinka taggo,” ayay tidhi marwo Samsam.

Xigasho Wargeyska Warsugan