Wasiir Faratoon: “Heshiiska Somaliland, DP World Iyo Itoobiya Cid Kale Oo Awood U Lihii Ma Jirto…”

0
823

 Wasiir Faratoon: “Heshiiska Somaliland, DP World Iyo Itoobiya Cid Kale Oo Awood U Lihii Ma Jirto…”

Hargeysa, 11 June 2020 (Warsugan)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

Wasiir Cawed ayaa sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan.Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay BBC Somaali ayaa yidhi “Hadalkaa hadal khaldan baan u aragnaa, Aad baan ula yaabanahay wax dhowr sanno ka hor sheekadoodu dhammaatay in Wasiirku ku soo celcelinayo oo uu illaa hadda hadal hayo, Somaliland, DP World iyo Itoobiya heshiisyada ay galeen ee ku saabsan Dekedda Berbera iyo Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, si Madax-banaan ayay u galeen, Cid kale oo ay wadaysan lahaayeen oo awood ku lihi ma jirto, sidaas ay ku galeen ayuuna ku dhammaanayaa, Mashruuciina dhammaad buu ku dhaw yahay oo meel wanaagsan buu marayaa.”

Faratoon wuxuu sheegay in Wasiir Cawed iyo Madaxda ka sarraysa ee Soomaaliya aanay isku hadal ahayn “Waxa layaab leh in Madaxweynihii iyo Raysal-wasaarihii Wasiirkaasi ay dhinac kaga hadlayaan isku soo dhawaansho, Isfaham iyo Wada-hadallo, haddana waxay sheeganayaan Somaliland.”

Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here