Wasiir GARAS Oo Ka Hadlay Koorasyo Ay Jaamacadda IOU Ka Bilaabi Doonto Dugsiyada Sare Dawladda Iyo Faahfaahinta Sababta Ay Igu Ogollaadeen

0
665

Wasiir GARAS Oo Ka Hadlay Koorasyo  Ay  Jaamacadda IOU Ka Bilaabi Doonto Dugsiyada Sare Dawladda Iyo Faahfaahinta Sababta Ay Igu Ogollaadeen

“Markii Ay Jaamacaddani Noo Sharraxday Qaab-dhismeedka Ay Rabaan In Ay Ardayda Ugu Dhigaan  Ingiriisada, waxa Ay Sababtay In Aanu Ogolaansho U Siino In Ay Luuqaddaasi U Dhigaan Dugsiyada Sare Ee Dawlada Qaarkood”- GUDAHA KA AKHRI warka Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare  oo dhamaystiran

Hargeysa (Warsugannews)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa sheegay In qaar kamid ah dugsiyada sare ee Somaliland gaar ahaanna Hargeysa ay fursado waxbarasho oo dhinaca luuqadda ingiriisada ah uga heleen Jaamacadda IOU faraceeda ku yaalla magaallada Hargeysa, kadib markii ay wasaarad ahaan ku qanceen qaab dhismeedka waxbarashada ee jaamacaddaasi.

Wasiir Yuusuf Cismaan Garas waxaa uu sharraxay sababaha wasaaradda waxbarashada ku qanciyey ogolaanshiiyo ay jaamacadda Islaamiga ah ee IOU u siiyeen waxbarasho dhinaca luuqadda ingriisada ah oo barayaasha jaamacaddaasi siiyaan  ardayda fasallada koowaad iyo labaad ee dugsiyada sare ee Hargeysa qaarkood, si buu yidhi ardayda looga kobciyo dhismaha luuqaddaasi.

Wasiir ku xigeenka waxbarashadu waxaa kale oo uu farta ku fiiqay mabaadii’da qaran ahaan ay wasaaraddoodu u xil saaran tahay oo uu sheegay in ay ka go’an tahay soo dhawaynta cid kasta oo kala qayb qaadanaysa horumarinta waxbarashada Somaliland.

 “Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ay qaranka mas’uul uga tahay inay soo dhawayso, inay hagto, tilmaamto oo ay wax  ku kordhiso cid kasta oo wax ka qabanaysa horumarinta tacliinta Somaliland”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Garas oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey xaflad lagu sagootiyey  boqol iyo toddobaatan arday oo ka qalinjebiyey Jaamacadda Islaamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo IOU (Islamic Online University) oo ka mid ah Jaamicaddaha gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Somaliland. Khudbadda uu xafladdaasi ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas waxaa uu ku sheegay “Jaamacadda Islamic Online University ee  [uu aasaasay] Dr. Bilal Philibs, waxaa markii ay noo sharxeen [qorshahooda waxbarasho] ee ay waliba na siiyeen qaab-dhismeedka ay rabaan in ay ardayda wax ugu dhigaan gaar ahaanna marka ay noqoto luuqadda ingiriisada, waxaa ay sababtay in aanu dugsiyada sare ee dawladda qaar kamid ah sida 26 June Secondary School aanu ogolaansho u siino in ay u dhigaan luuqaddaasi ardayda fasallada 1aad iyo labaad ee dugsigaasi  oo ay xagga luuqadda ingiriisada ka dhisaan”

 Warsuganmedia@gmail.com
 Warsugan15@gmail.com