Wasiir Hinda Gaani Oo Ka Hadashay Muddo-kordhinta Baarlamaanka Iyo Muranka Cabdirashiid Riyo-raac

0
59

Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), ayaa markii ugu horraysay ka hadashay muddo-kordhinta loo sameeyey Baarlaamaanka. Islamarkaanna waxay muddo kordhinta ku sababaysay inay timi waqti loo baahna, maadaama oo xisbiyaddu qalinayeen ilaa xilligii doorashadda Madaxtooyadda laga soo baxay.

Wasiir Hinda Gaani waxay sidda ka sheegtay mar ay Bulsho tv ugu warramaysay dalka Sweden, waxayna si kal iyo laab ah u difaacday Gudoomiyaha cusub ee komishanka doorashooyinka oo ay xisbidda qarranku ka biyo-diideen ka mid noqoshaddiisa Komishanka Doorashooyinka.

Wasiir Hinda Gaani oo arrimaha ka hadlaysa waxay tidhi “Muddo kordhinta loo sameeyey Baarlamaanku waa waqti sax ah, muddo kordhintaasinna ahayd mid loo baahnaa. Waxa loogu tallo-galay oo muddo-kordhintu ku baaqan lahayd in doorasho dhacdo, hase-yeeshe haddii la waayo waqtigii doorasho ku dhici lahayd, waa in la sameeyo wax sharci-dejintu ku shaqayso oo xalaal ahi, waxaan u arkaa inay tahay mid waajib ah.”Ayay Tidhi Hinda Gaani

Sidoo kale, Marwo Hinda Gaani waxay sababay waxa waqtigan ku soo beegay in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka dalka “Sababtu waxa weeye sidii doorashadda looga soo baxay axsaabta mucaaridku way qaylinaysay oo waxay ka qaylinayeen komishanka, koomishankiinna waa la bedelay. Markii uu ku dhamaaday waqtigii qaylo-taaggan, Baarlamaankiinna waqtigii ka dhammaaday. Waxa loo baahanyahay in loo xalaaleeyo siddii uu bulshadda ugu adeegi lahaa iyo shuruucdii dalka ee loo baahnnaa.”

Dhinaca kale, Wasiir Hinda Gaani waxay sheegay in Cabdirashiid Riyo-raac xaq u leeyahay inuu ka mid noqdo komishanka doorashooyinka”Qofka muwaadinka ahi in la doorto iyo in uu wax doorto intabba xaqbuu u leeyahay. Cabdirashiid riyo-raac waa nin muwaadin ah oo wuxuu xaq u leeyahay wixii qofkasta oo muwaadin ahi uu xaqa u leeyahay, haddii la leeyahay Cabdirashiid Riyo-raac waa Kulmiye, shalaybaa wuxuu ahaa ragga ugu ad-adag Waddani.”Sidaa ayay tidhi Hinda Gaani.

Waraysiga Wasirka Shaqadda iyo arrimaha bulshadda, marwo Hinda Jaamac Gani, halkan hoose ka dawo;