WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA OO KALA FUR-FURAY DABINNO SOOHAN OO XAFIISKA TURKIGA EE HARGEYSI KU SIYAASADDEYNAYO ARDAY REER SOMALILAND AH IYO WAALIDIINTOODA

0
407

WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA OO KALA FUR-FURAY DABINNO SOOHAN OO XAFIISKA TURKIGA EE HARGEYSI KU SIYAASADDEYNAYO ARDAY REER SOMALILAND AH IYO WAALIDIINTOODA

“Haddii Uu Dugsigani Iska Dhego Mariyo Digniintaas Oo Ay Dhacdo Arrintaasi Waxaa Aanu Wasaarad Ahaan Mar Labaad Ku Celinaynaa In Aanu Ka Fiirsan Doono Ogolaanshaha Shaqada Aad Somaliland Ka Haysaan”

GUDAHA KA AKHRI: Warqad Xambaarsan Digniin Iyo Hanjabaad Isku Qoofallan Oo Wasiir Yuusuf Cismaan Garas Safaaradda Istabul Ku Leedahay Somaliland Iyo Wargelin Ka Fiirsanaysa Shaqada Dugsi Turkish Ahi Hargeysa Ka Hayo

garasHargeysa (Warsugannews)- Dawladda Somaliland ayaa digniin adag oo ka dhan ah faragelinta qaddiyada Somaliland ah u dirtay maamulka dugsi laga leeyahay wadanka Turkiga oo farac ku leh magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, kaasi oo la weriyey in uu qorsheynayo in ardayda waxbarashada dugsigaasi dhamaysatay ee imtixaanka shahaadiga ah isu diyaarinaysa uu u qabanqaabinayo safar ay magaalada Muqdisho u tagaan si ay ardayda reer Somaliya ee waaxda dugsigani ku leeyahay Muqdisho ugala qayb galaan imtixaanka shahaadiga ah. Qoraal afka ingiriisiga ku daabacnaa oo lagu socodsiiyey maamulka Dugsiga Nile Academy iyo xafiiska qunsulka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga oo dugsigani hoos tago ayaa shalay ay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuurriyada Somaliland amar ku siisay dugsigani In uu joojiyo qorshahan isla markaana uu ka digtoonaado arrimaha ku shuqulka leh siyaasadda ee aan shaqadiisa ahayn. Qoraalkan Wasaaradda oo uu ku saxeexnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa lagu sheegay wargelin hore oo ay wasaaraddu kula socodsiisay maamulka dugsigan taas oo la xidhiidha arrimaha siyaasadda ku shuqulka leh. Qoraalkan wasiir Garas oo hal bog ka koobnaa ayaa ka sokow maamulka dugsiga iyo safaaradda Turkiga waxaa sidoo kale lagu socodsiiyey ardayda reer Somaliland ee dugsigan wax ka baratay io guddida waalidiinta Dugsiga Nile Academy si arrintan looga hor tago

“Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ay hore dugsigiina ugu wargelisay in aanaan [dawlad ahaan] idiin ogolayn in aad amuuro siyaasadeed ku lug lahaataan ama asbaab ammaanka la xidhiidha” ayaa uu Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ku yidhi wareegtadiisa digniinta ah. Waxaana uu intaa ku ladhay isaga oo Wasiir Garas ka hadlaya Arday reer Somaliland ah oo la weriyey in Dugsigaasi qorsheynayo in ay magaalada Muqdisho tagaan si ay hal mar imtixaanka shahaadiga ah ugu wada fadhiistaan ardayda reer Soomaaliya ee faraca dugsigani kuleeyahay halkaas dhigta, waxaana uu yidhi “Imtixaanka ardayda [reer Somaliland ee ] dugsigan Nile Academy [dhigata] ma ogolin [dawlad ahaan] in uu Muqdisho u qaado ama uu fududaysto in ay halkaas imtixaanka kaga qaadaan. ” ayaa wasiir Garas ku yidhi Wareegtadiisa uu ku socodsiiyey Maamulka dugsiga Nile Academy ee Turkiga laga leeyahay. Gebogabadiisan waxaa uu wasiirku yidhi “Mar labaadka waxaa ay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ku celinaysaa in haddii uu dugsigani iska dhego mariyo digniintaas oo ay dhacdo arrintaasi in ay wasaaradda waxbarashadu siyaasad ahaan ka fiirsan doonto xidhiidhka uu dugsigani la leeyahay Somaliland iyo shaqada aad haysaanba”.

DSC_3487