Wasiir Kaahin Oo Noqonaya Guddoomiyaha Guurtida

0
476

Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa la filayaa inuu noqdo guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland isagoo badali doona Saleebaan Maxamuud Aadan oo  xilkaasi banaynaya, sida ay MM-TV u sheegeen ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Xilka gudoomiyaha golaha guurtida ee la filayo inuu qabto Maxamed kaahin Axmed, ayay fursaddeedu abuurantay, kadib markii warqad is casilaad ah uu Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Muddane Saleeban Maxamuud Aadan, muddo laga joogo ugu yaraan sadex usbuuc.

Sidoo kale labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa laga shaqaynayay sidii loo banayn lahaa kursiga uu deegaan ahaan kagasoo gali lahaa Wasiir  Maxamed kaahin, si uu xilkaasi u hanto.

Tallaabooyinka dhiman ee lagu taabbo galinayo xilka cusub ee wasiir Kaahin ayaa la shaacin doonaa maalmaha dhaw ee soo socda.

©️ MM-TV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here