Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Mudane Kaysar oo ka warbixiyey kulan balaadhan oo uu ku martiqaaday Wasiirka Cukuse

0
500

1930685_10207770958785796_4213317707608043680_n

Kulan Hawleedkii Xiisaha Badnaa!
Asalaamu Calaykum
Waxaa sharaf iyo Xiiso gaar ah ii lahaa inaan ka qaybgalo Kulan aad u qiimo badan oo uu nagu soo Martiqaaday Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse”. Kulankan oo ahaa mid Xog-waraysi, is tusaalayn iyo talo isweydaarsi ku saabsanaa waxa uu noogu soo dhamaaday si Guul ah iyo in lasii xoojiyo wadashaqaynta iyo ka qaybqaadashada Horumarinta Dalka iyo Dadka.
Kulankan Masuulyiinta ka qayb gashay Waxaa ka mid ahaa:
Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin “Cabdiraxmaan dheere”
Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Mudane Cabdi Wadaad
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Mudane Cumar Sayid
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Mudane Jaamac Daba-gorayaale.
Waxaan si gaar ah ugu Mahadnaqayaa Wasiir Cukuse iyo Wasiiru-dawle Maxamed Muuse Abees oo suurto geliyay kulankan.
12508811_10207770958745795_7627007836490343142_n
Waad Mahadsan tihiin.
Kaysar