Wasiir Sacad Cali Shire Oo Sheegay In Burbur Laga Dhaxlayo Hadallada Xajiinta Leh Ee Musharraxiinta Somaliland

0
499

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Sheegay In Burbur Laga Dhaxlayo Hadallada Xajiinta Leh Ee Musharraxiinta Somaliland

Hargeysa(WSN) Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa walaac weyn ka muujiyay dhalliilaha ay is dhaafsanayaan musharraxiinta Madaxtinimada ee xisbiyada qaranku waxaanu sheegay in arrintaasi dhaawacayso sumcadda Somaliland ku leedahay hannaanka doorashooyinka citiraaf raadinta dalka. Wasiirka oo waraysi siinayay Xasan Faarax Qamaan oo ka tirsan telefishanka Qaranka JSL waxa uu musharraxiinta ku boorriyay in ay bulshada kala hadlaan baahiyaha jira.

“Waxaa la inagu ammaana nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waxaa la inagu ammaana hab wanaagii ay inoogu dhaceen doorashooyinkii faraha badna ee aynu soo marnay oo si wanaagsan inoogu socday laakiin, hadda waxaad moodda in hadal xajiimayn iyo xanaf leh in uu jiro oo aad moodo In quruxdii iyo wanaaggii aynu ku kasbanay ilaa hadda sida ay wax inoogu socdeen wasakheeyay oo uu saameeyay. Cayda, dhalleecaynta iyo ceebayntu cod ma keenaan. Cadaawad uun bay keenta, cadaawadduna burbur uun bay keenta ee waxba ma dhisto, marka waxa loo baahan yahay in siyaasiyiintu ay ka fogaadan wax allaale wixii colaad iyo kala fogayn dhexdeena ku abuuri kara ee wax yeeli kara geeddi socodka citiraafkeena iyo horumarkeena,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirku waxa uu taxay dhibaatooyinka Somaliland haysta ee u baahan in wax laga qabto “Dhibaatooyin badan baa jira oo u baahan in wax laga qabto oo lagala hadlo dadka. 70% dadkeenu waa bilaa camal, carruurteena 50% waxba ma bartaan oo iskuul ma tagaan, dadkeena 50% waxna ma qoraan waxna ma akhriyaan, carruurteena dhalata 10-kiiba mid baan gaadhin 5 jir, umul raaca waxaynu caalamka ka nahay lambar kow, dadkeena 50% in ka yar ayaa biyo nadiif ah hesha, marka dhibaatooyinkaas oo dhan baa u bahan in laga hadlo oo cid walba waxa ay ka qabanayso dadka u bandhigto,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in xisbiyadu ku eekaadan sharraxidda barmaamijyadooda wax qabad laakiin, aanay xajiimayn u bandhigin bulshada “Arrinkaasi wuxuu dhaawacaya geedi socodka citiraafkeena. Doorashooyinkeena caalamka oo dhan baa isha ku haya. Guulo badan baynu ka soo hoynay ilaa maanta.dooddii maalintii dhawayd ugub bay ku ahayd gobolka haddii aanay Afrikaba ku ahayn, waa tusaale wanaagsan oo ka mid ah tusaaleyaasheenii hore,” Sidaas ayuu yi.dhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad ayaa geesta kale sheegay in wasaaradda arrimaha dibada Somaliland kaalin muhiim ah ka ciyaartay heshiiska Somaliland iyo Khaatumo, sidoo kalena door muhiim ah ka qaadatay heshiiska maalgashi ee dekedda Berbera. Wasiirku waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka jaarku yahay mid meel fiican maraya, islamarkaana kor loo qaaday cilaaqaadka Somaliland iyo dalalka dariska.