Wasiir Samsam: Mas’uul Muujisey Dadaal iyo Waxqabad !!!

0
426

Wasiir Samsam: Mas’uul Muujisey Dadaal iyo Waxqabad !!!
Hordhac:
Mahad Eebaa iska leh, Ilaaha Mohamed Samo ku uumay.
Bahda wararka ee Wargeyska Warsugan iyo Akhristayaasha Sharafta lehba aan salaan hawada u mariyo.
Waa qormo kooban, waa qormo xaqiiqiya, waa qormo mala-awaal ka fog, waa qormo been-abuurka aan jirin naqdinaysa, waa qormo horumarka iftiiminaysa, waa qormo waxqabadka xuseysa, waa qormo samaha iyo guusha garab-saar la ah.

Waa qormo waxqabadka aan la dafiri Karin tilmaameysa, waa qormo horumarka hanaqaadey hawraarsan dhihi, waa qormo dureysa kuwa aan xaqiiq wax u sheegayn, kana fog qof jeclaysi , waa qormo ka markhaati kacaysa guulaha ay wasiir Samsam gaadhay, waana qormo liddi ku ah kutiri-kuteenka iyo wararka xaqiiqda ka fog.

Waxqabadka Wasiiradda:

Wasiir Samsam Abdi Adan waxa ay ka mid tahay foolaadka uu qaranka jamhuriyada Somaliland leeyahay, waa wasiir qayb laxaad leh ka qaadatey horumarka qarankani gaadhay, waa wasiir muujisey dadaal badan, waa wasiir fifircooni iyo karti la timid, waa wasiir hawlkar ah, waa wasiir shaqadeeda si xilkasnimo leh u gudatey.

Wasiir samsam intii ay haysay xilka wasaarada Maaliyada Somaliland waxa ay ku talaabsatey guulo hor leh oo aan hore loo gaadhin, waxa ay nidaamka dhaqaale ee dalka ka dhigtey mid hufan, habeysan oo horumarsan.

Wasiir Samsam waxa ay hadh iyo habeen heegan ugu jirtaa inay dadkeeda iyo dalkeeda waxtarto, socod iyo safarna waxay u gashaa sidii dadkeeda ay uga war dooni lahayd hadba xaalada iyo duruufta ay ku jiraan.

Tusaale fiican waxa inoogu filan kaalintii laxaadka lahayd ee ay ka gasyatay wasiir Samsam gurmadkii abaaraha dalka ee berri ilaa galbeed iyo taakulayntii bulshada reer Somaliland ay gaadhsiisey.

Wasiir Samsam waa qof aqoon leh, taqaan shaqadeeda, ka soo baxda hawl kasta oo loo igmado, jecel inay dadkeeda horumar dhinac walba gaadhsiiso.

Dabciga insaanka waxa ka mida in qofka la dhaliilo, la dhaleeceeyo amaba wax laga sheego, hase yeeshe inaad qofka dhaliishaa waxa ay leedahay asluub loo maro, dariiq la raaco iyo heer aanu qofku ka gudbi Karin.

Sideedaba marka aad tahay mas’uul qaran lama waayo dad ku dhaliila balse waxa aad qofka ku dhaliilaysaa waa inay noqotaa wax lagaaga markhaati kici karo, sida shaqadiisa oo uu ka soo bixi waayay, dadaal la’aan uu la yimaad, gaabis hawlihii qaranka uu u hayay ku yimaada, hay’adii uu mas’uulka ka ahaa oo fadhiid noqota Iwm.

Su’aasha la is weydiin karaa waxa ay tahay Wasiir Samsam shaqadii ay qaranka u haysay ma ka soo baxday mise kama soo bixin?

Jawaabtu iyada oo kooban waa “HAA”, way ka soo baxday wasiir Samsam shaqadeedii , halkii looga baahnaa iyo meel ka saraysana way gaadhsiisey.

Hore wasiir Samsam waxay u soo qabatey xilka Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, dadaal dheer iyo shaqo hufnayd oo ay ka fulisey wasaaradaasi ka dib, waxa madaxweynuhu u magacabay inay mas’uul uga noqoto xilka wasaarada ugu culus qaranka ee wasarada Maaliyada.

Hadii aanay Wasiir Samsam hawlkar ahayn miyey gaadhi lahayd heerkaasi? Dadaal, karti, aqoon iyo waxqabad ay samaysay awgeed miyaaney ahay sababta loogu dalacsiiyey jagadaasi halbawlaha u ah qaranka? Dabcan haa! waxaana lagu aaminey Mas’uuliyadasi culus ee baaxada leh.
Wasiir samsam maaha qof qaranka ka shaqaysata balse waa qof u shaqaysa, maaha qof hantida qaranka ku takri-fasha balse waa qof hantida qaranka u ilaalisey, maaha qof qaranka ka tolatey balse waa qof qaranka u toshey, waxaanay si buuxda u xafidey hantida dalka.

Wasiir Samsam maaha qof hantida Umadda u baahan waana shakhsiyad Eebe Maal iyo hantiba siiyey, dalka iyo dadkana inay wax ugu deeqdo mooyee aan wax ka qaadin.

Gebo-gebo:

Waxa jira dad tiro yar oo aanu horumarka iyo waxqabadku u muuqan,wanaagana aan arag, taas badalkeedana caadeystey inay warbaahinta sifo qaldan u adeegsadaan, qoraana hadalo anshaxa ka baxsan, been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn haba yaraatee. Dadka qaar ayuu horumarku dhibaa, Ma maqli jirteen:

Inkastoo loo baaqoo, loo sheego barwaaqo

dad bay meeli buktaa !!!

Saxaafada waxa ka mida dad badan oo aqoonteedii leh waayo-aragnimada ay leeyihiina uga faa’iideeyay dalka, balse waxa nasiib daro ah in dad aan ehelkeedii ahayn inta wixii ay doonaan iska qoraan hadba qof xilkasa oo shaqadiisa ka soo baxay duraan.

Wasiir Samsam hawl fiican ayey qabatey, qaranka ayey u adeegtey, dalka horumarkiisa ayey u kacdey, kuwa dhaliilayna kama foga inay ku colaadiyeen sida xilkasnimada leh ee ay hantida qaranka u xafidey.

Marwo Samsam waxaanu leenahay waxqabadka aad hirgelisey waa mid shacabka jamhuriyada Somaliland kuu ogyahay, waana mid aad ku mutaysatey in lagugu bogaadiyo, dadaalka iyo halganka aad ugu jirto inuu qarankani yoolkiisa gaadho halkaa ka sii wad,sidii aad horeba halganka ugu jirtey, dhagna jalaq ha u siin dadka horumarka dalkani dhibayo, wixii aad qabateyna wey muuqataa, taariikh iyo magac ayaanan hubaaa inaad dalkan kaga tagi doonto, Eebe idamkii.

Waxa haboon cid kasta oo wax dhaliilaysa inay anshaxa iyo milgaha ilaaliyaan kana dheeradaan wararka aan xaqiiqda ku qotomin, qormooyin Xiiso leh ayaan si faafaahsan ugu iftiimin doonaa waxqabadka wasiir Samsam Abdi Adam ay ku talaabsatey mudadii ay ahayd wasiirka maaliyada, Maanta se aan ku soo afmeero tuducyadan oo aan leeyahay Wasiir Samsam:

Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,
Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,
Waad gudatay Samsamey xilkii, kula gudboonaaye!!!

Qalinka: Hamse Haji Mohamed Muhumed

Email: Rantiisi111@gmail.com