WASIIR ZAMZAM OO NOQOTAY XIDDIG KA IFTIIMAYSA GEESKA AFRIKA….

0
404

WASIIR ZAMZAM OO NOQOTAY XIDDIG KA IFTIIMAYSA GEESKA AFRIKA….
Wasiir Zamzam shakhsiyad muujisay kartideeda iyo aqoonteeda mas’uuliyadeeda ee aan indhaha laga qarsan kareyn. Waa shakhsiyad ku sifowday xushmayn iyo qadarin,waajibaadka xileed ee ay Ummaddan u hayso. Kalsooni buuxdana ku qabta hawsha ay qarankan u hayso.

Waana shakhsiyad go’aan qaadasho adag leh oo karti xil kasnimo,firfircooni,ma daaale ah oo qayrkeeda sida Dayax shan iyo tobnaad ah ka dhex muuqata.

Waxaa xusid mudan,xaaladihi kala duwana ee ay soo martay wasaaraddani, isla markaana aan indha laga qarsan kareyn,muddadeedi ay xilkan haysay,sidii xilkasnimada leh u muujisay kartida ay u leedahay hoggaaminta, dhaqaale dejinta,qaybinta kharashaadka miisaaniyada ay gacanta ku hayso,oo ay sidii Nabi Yuusuf[cs] ugu qaybinayso Hay’adaha Dawladda …. iwm. Si aysan hawl maalmeedkoodu ha kad u gelin,kuwaasoo ku talo galkooda ku jaan gooya sannad hawleedka ay gudanayaa waajibaadka shaqo ee loo egmaday oo dhanba,kana haqab tirta kharashaadka mudadaas ay u baahan yihiin.

Waxaana mucjiso iyo la yaab ay ku noqotay,war xume tashiilka iyo kuwa ka xun horumarka ay u horseeday dalkan iyo dadkiisaba. Waana mid taariikhdu xusi doonto,jiilba jiilkuu ka dambeeyona,ay ku sheekaysan doonaan,waayo aragnimadeeda,aqoonteeda,kartideeda iyo go’aan qadashada adag iyo daacadnimada uu ilaahay[swt] hibada u siiyey kartida iyo kalsoonida buuxda ee ay nafteeda ku qabto.

Bal dib u milicso wakhtigii ay joogtay wasaaradda waxbarashada,isbedelkii ay ku samaysay iyo heerka ay gaadhsiisay maamulki iyo maareynti waxbarashada ee dalkan,horumarka la taaban karo ee ka muuqday arday iyo macallinba,aysan jirin cid cabanaysa iyo cid dhaliilaysaba aan maalin qudha laga maqal,wax u ducaynaya mooyaane. Tusaale,markay kormeerka u baxdo, waxaad arkaysa iyodoo,gaar ahaan ardayda fasaladooda dhex wareegaysa,oo sidii carruur ay dhashay oo kale,madaxa u salaaxaysa,gacmaha haysata oo ku dhiiri galinaysa,inay wax bartaan oo ay beri ka maalin waalidiintooda anfici doonaan ,waana mid aysan ilaawi doonin,dhammaan ardaydi,macallimiinti,shaqaalihi xafiisyada waalidiinti iyo Bulshaweynta Soomaaliland oo dhami, wax qabadkeedi dahabiga ahaa. Waxaa kaloo xusid mudan,wakhtigan xaadirka ah oo ay si weyn u tabayaan dan yartii lacag la’aanta ku dhigan jirtay dugsiyada dawladda,sida gaarka ah ee ay u ilaalin jirtay una kormeeri jirtay,lacagti laga daayey in laga qaado iyo in kale. Bal eeg maanta dhawaaqyada kala duwan ee dugsiyadi hoose dhex ka yeedhaya,dan yartii bilaashka ku dhigan jirtay dugsiyadaasi.

Qallinku halkan kuma soo koobi karo,wax qabadkeeda dhabta ah,waa shakhsiyada ay dadku u siman yihiin oo aan EEX iyo QARAABO KIIL lahay,noqotayna XIDDIG ka iftiimaysa GEESKA AFRIKA,isla markaana Xushmo iyo maamuus ka mudan shicibkeeda taariikhdu in badan xusi doonto oo aan marna la ilaawi kareyn, Hannaankeeda maamul iyo gudashada waajibaadkeeda QARAN. Bal adba eeg Gurmadkii ABAARAHA, iyadoo la socota M/weynaha,siday ugu tafo xaydatay dadkii tabaalaysnaa……,Doqonna loo sheegi mayo, Geesina waa garanayaa. WA BILLAAHI TAWFIIQ.
W/Q: MUXAMMED JAAMAC LIIBAAN. Hargeysa.