Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyada Djbouti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Kasocda Sanduuqa Lacagta Aduunka

0
298

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyada Djbouti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Kasocda Sanduuqa Lacagta Aduunka

Djbouti(Warsugannews)-Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyada dalka Djbouti Ilyaas Muuse Dawaale oo xogwaran kasiiyay hindisayaasha dhinaca dhaqaale ee Dalka Djbouti ayaa, maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wafti sare oo ka socda Sanduuqa Lacagta Aduunka, kuwaas oo kala xaajoodey doorka dhaqaalaha dalka Djbouti ee Wakhti xaadirkan iyo hurumarinta dhinacyada Ganacsiga.

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyada dalka Djbouti Ilyaas Muuse Dawaale oo xogwaran kasiiyay hindisayaasha dhinaca dhaqaale ee Dalka Djbouti ayaa, faafahin kasiiyay Waftiga kasocdey Sanduuqa Lacagta Aduunka hindisayaasha iyo qorshaha sanadka 2035ka ay u dhigeen dalka Djbouti.

Waxaana kulankan labada dhinac iyaguna dhinaca Dowlada Djbouti goob joog uga ahaa Xoghayaha Dhaqaalaha iyo Maaliyada dalka Djbouti Nuux Cumar Migil iyo Agaasimaha Maalgalinta dalka Djbouti.

Waftigan ka socda Sanduuqa Lacagta Aduunka mudada ay joogaan dalkan Djbouti waxey xogo kormeer iyo daraasaad ku sameyn doonaan dhinacyada Baananka madaxa banaan iyo kuwa dowliga ah iyadoo sanduuqani dalka Djbouti ka caawiyo dhinacyada Dhaqaalaha iyo Hurumarka dalkaasi.

Warsugan/Jabuuti
Warsuganmedia@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here