Wasiirka Diinta Oo Sheegay In Gaadhigiisa Iyo Gaadhiga Wasiirka Waxbarashada Lagu Qabtay Qaad Sharci-darro Ahaa

0
272

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa sheegay in xilligii qaadka la joojiyey ee Karoonaha uu gaadhigiisa iyo ka wasiirka waxbarashada lagu soo qaaday qaad oo sidaa lagu qabtay, waxaanu sheegay in ciidanka boolisku ay qabteen, isla markaana ay la wareegeen.

Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Berigii dhaweyd ee aynu joojinay qaadka guddidayadii COVID-19–ku oo aanu qaadlayaasha la tashanay oo aanu nidhi waar bal ka warrama imisa ayaanu idinka joojinaa ,waxa aanu joojinay waxaan bil ahayn .”

Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Ma ogtihiin labadii wasiir ee ugu mudnaa xagga haddalka ee ugu canaanta badnaa Wasiirka diinta iyo awqaafta iyo wasiirka wax-barashada labadoodii baabuur ayey labadayadii darawal ay ku keeneen qaad oo lala wareegay, sharcigiina waanu fulinay  labadii baabuur-ba waxa aanu ku wareejinay Booliska, labadiii gaadhiba illaa imika wey naga maqan yihiin oo booliska ayaa kaxaystay, dadkii kale waa loo celiyey baabuurtii laakiin labadayadii wasaaraddood looma celin waanu u hannaynay Booliska oo waxa aanu nidhi haysta, mar haddii aynu sharcigii soo saarnay.”

Dhanka kalena Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in Dawladda itoobiya ay dhibaato soo waajahday markii ay Somaliland joojisay qaadka “Lakiin waxa aan idiin sheegayaa 28-kii maal-mood ee uu qaadku taagnaa Itoobiya wey xamili kari weyday oo waxay u baahatay wax ka qaada badeecaddaa ka gubanaysa,annagana 28-kaa maalmood wax ka badan bulshadeennii way xamili weyday, waataa gaadhigii wasiirka lagu soo qaadayo ee kii ciidanka lagu soo qaadayo” ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here