Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Dhagax-dhigay Waddo Isku Xidhaysa Laascaanood iyo Kala-baydh

0
592

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Dhagax-dhigay Waddo Isku Xidhaysa Laascaanood iyo Kala-baydh

Laascaanood (WMG) Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay waddo dhererkeedu yahay 32km oo isku xidhaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Kala-baydh ee Gobolka Sool.

Xubno ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka degaanka laga dhisayo waddada oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in jidkani muhiim u yahay isku socodka bulshada, isla markaana ay wax badan ka tari doonto dhibaatooyin adag oo ay hadda dadka iyo gaadiidkuba kala kulmaan jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Kala-baydh, waxayna sheegeen in dadweynaha degaanku ay go’aansadeen inay ka shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa dhammaystirka jidkaas.

Waxa kaloo ay tilmaameen in mustaqbalka la hiigsanayo sidii waddadu u noqon lahayd mid ballaadhan oo isku xidha degaannada Gobolka Sool ee dalka Somaliland iyo degaanka Doolow ee bariga dalka Itoobiya.

 

Duqa magaalada Laascaanood oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay degmo ahaan soo dhawaynayaan dhagax-dhigan waddadan muhiimka ah, waxaannu yidhi; “Aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Laascaanood, waxa farxad noo ah in halkan laga dhagax-dhigo waddo isku xidha degmada Kala-baydh iyo magaalada Laascaanood, waddadaas oo dhererkeedu yahay 32km, markaa Insha Allaah waddada waa la bilaabi doonaa, waqti aan fogayna waxa aan rajaynayaa in Wasiirku uu innagu soo noqon doono in xadhigga laga jaro dhammaystirka waddadan, haddii Ilaahay yidhaahdo wixii noolaada. Haddii aannu nahay Dowladda Hoose ee Laascaanood wixii karaankayaga ah ee ay waddadaasi ku dhismayso qalab iyo maalba waannu kaga qaybqaadanaynaa haddii Ilaahay yidhaahdo.”

Badhasaabka Gobolka Sool oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey dhagax-dhigga waddada isku xidhaysa magaalada Laascaanood iyo degaanka Kala-baydh, waxaannu yidhi; “Waan u mahadnaqayaa odayaasha iyo wax-garadka isku xil-qaamay waddadan iyo bulsho weyntaba, waxa aan leeyahay Wasiir maanta waad aragtaa halka uu maanta marayo Gobolka Sool iyo horumarka ka socda, waxaanan leeyahay; ‘Ishii bugtaay ku bikaacso.’ Horumarkaasina wuu soconayaa.”

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah madax-dhaqameedka degaannada Gobolka Sool oo soo dhaweeyey dhismaha waddada isku xidhaysa Laascaanood iyo Kala-baydh, waxaannu yidhi; “Waannu ku faraxsannahay iyadoo aanan u kala hadhin waddadaas dhererkeedu yahay 32km ee uu inoo dhagax-dhigay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor.”

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ballanqaaday inay dowlad ahaan door weyn ka qaadan doonaan dhismaha jidkan isku xidhaya Laascaanood iyo Kala-baydh, waxaannu yidhi; “Waxa aannu anagu halkan u nimid in aannu dhagax-dhigno waddadaas Kala-baydh iyo Laascaanood, waxaanna maansha Allaah ah in ay bulshada iyo dadka deegaanku ay isku-tashadeen, iyaga ayaana isku diyaariyey oo ku talogalay inay wax weyn ka qabtaan, anaguna hiil iyo hooba waannu la barbar joognaa.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa caddeeyey inay Wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin dhismaha jidkan muhiimka ah, isla markaana ay kaalinta kaga habboon ka qaadan doonaan sidii loo dhamaystiri lahaa.

“Runtii, aad ayaannu ugu faraxsannahay in aynu isugu nimaadno munaasibaddan aynu ku dhagax-dhignay waddadaas 32km ah. Wasaaradda iyo Hay’adduba waxay leeyihiin qorshe-sannadeed oo inta badan waxa daraasadda la sameeyaa waa sannadka aakhirkiisa, markaa anagu markii aannu aragnay muhiimadda ay leedahay waddadani, isla markaana ay tahay markii koowaad ee Gobolka Sool ay bulshadu ama dadweynuhu ay go’aansadaan inay qayb ka noqdaan horumarka, waxa aannu anaguna khasbanaannay anaguna in aannu qayb ka noqono oo aannu qorshihii hore ee aan ku jirin ee 2020-ga ay waddadani qayb ka noqoto, iyadoo sidaa uu Maareeyuhu sheegayna ay naga go’aan tahay in aannu farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba wixii aannu ku bixinayno,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan.