Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Somaliland mudane Cali Mareexaan Oo Hambalyo U Diraaya Shacabka Reer Somaliland Iyo Muslimiinta Caalamka Munaasibada Ciidul Adxaha Awgeed.‏

0
661

Hargeysa(WSN)Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Somaliland mudane Cali Mareexaan Oo Hambalyo U Diraaya Shacabka Reer Somaliland Iyo Muslimiinta Caalamka Munaasibada Ciidul Adxaha Awgeed.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Jahmuuriyada Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Ayaa Shacabka Reer Somaliland Iyo Umada Islaamkaba Hambalyo Iyo Bogaadin U Diraaya Munaasibada Ciidul Adxaha.Sidoo Kale Waxaa Uu Wasiirku Hambalyo Iyo Tahniyad U Dirayaa Ciidamada Kala Duwan Ee Qalabka Iyo Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud.

Waxaa Uu Wasiirku Umada islaamka iyo shacabka Reer Somaliland U Rajaynayaa Inay Caafimaad Iyo Raynrayn Ku Ciidaan Meel Kasta Ay Daadaha Aduunka Kala Joogaan, Ciidaa Ciideedana Bash-bash Iyo Barwaaqo Ku Gaadhsiiyo.

Ugu Danbayntii Waxaa Uu Wasiirku U Ducaynayaa Umada Islaamka Ee Xajka Carafa Taagan In Illahy Ka Aqbalo Ciibadadooda.