Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa lagu soo dhaweeyay deegaano ka tirsan gobolka sool
Yaasiin Faratoon, ayaa u tartamaya musharaxnimada golaha wakiilada somaliland
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa iska casilay xilka uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi
Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa dadaal iyo olole kula jira booska uu is-casilay ee arrimaha dibadda Somaliland, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo aanu helnay.
Wasiir Koore Iyo Faratoon, ayaa lagu soo dhaweeyay deegaanadda Guumays, Yeyle Iyo Goljanno oo ka tirsan gobolka Sool.
Yaasiin Xaaji Maxamuud, ayaa xukuumadu ku wadaa inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiiladda somaliland balse waxa tartan xooggan kula jira labo musharax oo isku hayb yihiin kuwaas oo kala ah musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID Prof. Abyan Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga WADDANI