Wasiirka Maaliyadda Oo Dawladda Hoose Ee Boorama Fahansiisay Inaanay Xaq U Lahayn Cashuuridda Qaadka

0
418

Wasiirka Maaliyadda Oo Dawladda Hoose Ee Boorama Fahansiisay Inaanay Xaq U Lahayn Cashuuridda Qaadka

Boorama(Warsugan) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa si degdeg ah u soo afjartay khilaaf dhinaca cashuurta ah oo u dhexeeyay ganacsatada qaadka iyo dawladda hoose ee Boorama. Dawladda hoose ayaa doonaysay inay halkii Kiilooba ka qaado laba kun oo shilin, arrintaasi oo sababtay dorraad in Maayarka Boorama muddo 4 saac ah haysto qaadka, taas oo cirka ku shareertay muranka labada dhinac.

Wasiir Samsam oo shalay safar degdeg ah ku gaadhay Boorama ayaa dawladda hoose ku qancisay inay ka laabtaan go’aankooda ah ururinta cashuur ka baxsan tan wasaaradda maaliyaddu ku qaado kaantaroolka “ Waxaanu ku qancinay in dawladda hoose magaalada gudaheeda wixii xaqal xashiish ah ka qaataan, wixii kaantaroolka ahna Maaliyadda uun baa xaq u leh inay qaado,” ayay tidhi wasiir Samsam.

Iyadoo hadalkeeda sii wadda waxay sheegtay in ganacsatadu bixiyaan cashuuraha lagu kala wado hawlaha dawladda, sidaasi darteedna aanay mudnayn in la dhibo “Ganacsatada in la dhibo maaha,sababtoo ah lacagta ganacsatadu bixiso waa ta mushaharka lagu bixiyo, waa ta dawladda hoose looga jaro kabka boqolkiiba tobanka ah, waa ta waddanka wax loogu qabanayo hadday caafimaad tahay, hadday ciidan tahay iyo wax walba oo la qabanayo waxa lagu fuliyaa waa cashuurta ay bixiyaan, markaa in la dhibo maaha,” ayay tidhi wasiir Samsam.

Waxa ay sheegtay in boolisku si fiican ula shaqeeyay kadib markii loo akhriyay sharciyadda, sidoo kalena ay u qabsoomeen ganacsatada qaadku “Gaadhiga qaadku markuu Kaantaroolka isa soo taago waxaa laga qaadaa cashuur qoran oo wasaaradda Maaliyaddu qaaddo, markaa kolka uu suuqa soo galo dawladda hoose waxay ka qaadaysaa waxaas ay suuqa kale ka qaado sida khudradlayda iyo meheradaha kaleba, haddiisa la yidhaa alaabtii haddana cashuur baa la isula taagayaa magaalada dhexdeeda dadku ma qaadi karaan,” ayay tidhi wasiirku.

Geesta kalena Maxamed Xuseen Maydhane, maayarka Boorama ayaa sheegay inay ku khasban yihiin fulinta xalka wasiirka maaliyaddu ula tagtay “Wax dhib ah ma jirto, inaanu wada shaqayno waanu ku khasbannahay, waa wasiiraddayadii, waa wasiiraddii maaliyadda kamana maaranno, waana wasaarad laf dhabar u ah dawladda. Si fiican baanu uga wada shaqaynaynaa cashuur ururinta si dawladda dakhli ugu soo xaroodo,” ayuu yidhi Maayarku.

Korodhka cashuureed ee dawladda hoose darraad dul dhigtay ganacsatada qaadka ayaa xiisad weyn ka dhex abuurtay labada dhinac. Dawladda ayaa cashuur laxaad leh ugu tiirsan qaadka ka yimaadda dalka Itoobiya ee soo gala Somaliland, kaasi oo Kaantaroolka Kalabaydh lagu cashuuro.

Xigasho Wargeyska Warsugan