Wasiirka Madaxtooyada Oo Dalka Ku Soo Laabtay kana Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Masuuliyiinta Itoobiya

0
427

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Galabta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ayaa Ka Warbixiyey Safar Shaqo Oo U Ugu Maqnaa Wadanka Ethopia Iyo Shirar Ay La Yeesheen Masuuliyiinta Wadankaasi

Hargeysa (Warsugannews) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan oo safar ugu maqnaa Dalka aynu jaarka nahay ee Ethopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay si balaadhana loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa, waxaana Wasiirka Halkaasi kusoo dhaweeyey masuuliyiin, isugu jiray qeybaha kala duwan ee dawlada.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee loo yaqaan VIP ayaa ka warbixiyey safarkii ugu maqnaaa wadanka Ethopia iyo shirarkii ay la sheeyeen Dawlada Dalkaasi, waxaana uu xusay inay is arkeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Ethopia islamarkaana ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa Dhismaha Wadada isku Xidhi doonta Berbera iyo Addis Ababa (Berbera Corridor), Waxaana Wasiirka Kulankaasi ku wehelinaayey Wasiirka Arimaha Dibada Md: Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethopia Md: Maxamuud Aadan Jaamac, Wasiir xirsi ayaa xusay inay muhiimad weyn wadadaasi u leedahay xidhiidhka ganacsiga iyo isu socodka labada wadan ee Somaliland iyo Ethopia, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wadadaasi dhawaan la bilaabi doono sidaasna ay isku soo afgarteen masuuliyiintii ay shirarka la yeesheen.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaabay su’aalo ay saxaafadu waydiisay kuwaasoo la xidhiidhaayey eedo ay qaar kamida xildhibaanada baarlamaanku usoo jeediyeen xukuumada kuna dhaliileen inay dhaxal wareejinayso Dekada sidoo kalena ku mashquushay Dayactirka Wadooyinka, Wasiir Xirsi ayaa dhaliilahaasi ganafka ku dhuftay wuxuuna xusay inay xukuumada Madaxweyne siilaanyo aanay ku koobnayn Dayactirka wadooyinka balse ay tahay Xukuumadii ugu horaysay yagleesha wadooyin cusub oo tiro badan sidoo kale wuxuu xusay in Dekada Berbera wakhtigii hore lacagta lagaga soo qaadi jiray shandad lana keeni jiray Madaxtooyada balse haatan ay ku dhacdo khasnada dawlada ee Wasaarada Maaliyada, isla markaana aanu jirin wax musuq maasuqi.

Si kastaba ha ahaatee Wadada (Berbera Corridor) ayaa sare u qaadi doonta xidhiidhka ganacsiga iyo iskaashiga labada wada ee Somaliland Iyo Ethopia, iyadoo labada wadan ay yihiin saaxiibo islamarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheeri oo walaaltinimo iyo deris wanaag kuwada nool, Berbera Corridor waxay noqon doontaa marinka istiraajiayda ganacsiga iyo horumarka Somaliland iyo Ethopia.

Wa bilaahi tawfiiq

Warsugannews

Somaliland/ Hargeysa Office

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0036

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here