Wasiirka Madaxtoyada Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Curashada Sanadka Cusub Ee Islaamka

0
362

Wasiirka Madaxtoyada Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Curashada Sanadka Cusub Ee Islaamka

London(Warsuganews)- Wasiirka Madaxtoyada Somaliland Md: Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shucuubta islaamka ah gaar ahaan shacabka somaliland ku hambalyeeyay munaasibada sanadka cusub ee islaamka awgii waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Face-book-ga waxaanu yidhi “Waxaan Alle inooga rajaynayaa sanad Badhaadhe iyo Barkhad badan sidoo kalena Horumar iyo Horusocod aynu Qof ahaan iyo Qaran ahaanba gaadhno .

Waxaa maanta bilaambay sanad cusub waxaana qof walba iyo qarankaba u biiray gu’, waana bilowga maalmo kale oo sooyaalka taariikheed ku suntami doona.

Sanadka cusub ee Islaamku waa mid kasoo tirsamay maalintii Nabigeenii Muxumed S.C.W uu kasoo digarogtay Makka una soo jihaystay Madiina Al Munawara halkaas oo uu ka helay gargaar ciidan kadib intaanu ku soo laaban gurigiisii Makka isagoo Alle Awood badan uu ugu soo deeqay.

Guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo umada Islaamkaba waxaan uugu hambalyeynayaa curashada sanadka cusub ee Islaamka waxaanan u rajaynayaa gu’ garaad iyo Alle ka cabsi inoo siyaado.

Waxaan Alle inooga baryeyaa sanad qof ahaan iyo qaran ahaanba horumar iyo horusocod badan inoo kordho.”ayuu yidhi Xirsi Cali Wasiirka Madaxtoyadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here