Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta cusbitaalka Royal ee caasimada Hargeysa ku booqday Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali Weji oo maalmihii la soo dhaafay lagu daweynayey cisbitaalkaas.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu Agaasimaha Telefishanka Qaranka ilaahay uga baryey inuu shaafiyo , waxaanu balanqaaday in Wasaaraddu ay dabarayso kharashka ku baxaya daweyntiisa.