Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay eedeynta mucaaridka ee musharaxiinta xidhxidhan waxaanu sheegay qodobadan

0
363

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay eedeynta mucaaridka ee musharaxiinta xidhxidhan waxaanu sheegay qodobadan:-

1. Faysal Cumar Xasan Barre oo u tartamayay golaha deeganka Ceerigabo kana sharaxnaa Xisbiga Kulmiye in lagu eedeyey kaadhadh codbixin uu urursaday eedeyntaasi maxkamaduna ay ku wayday.

2. Cabdilaahi Obsiiye oo ka tartamayay golaha deeganka Saylac kana sharaxnaa Xisbiga Kulmiye lagu eedeyey shahaado been abuur ah danbigaasna lagu helay oo lagu Xukumay.

Sidoo kalena wuxuu sheegay in afarta Xildhibaan ee kala ah:-

1. Cabdiraxman Yuusuf Cali oo ka sharaxan golaha deeganka Hargeysa oo ka sharaxan Xisbiga Ucid.

2. Kobra Xaaji Xuseen Xaaji Maxamud oo ka sharaxan Xisbiga Waddani una sharaxan golaha wakiilada Togdheer

3. Qaadin Aadan Suleyman oo ka sharaxan Xisbiga Waddani una sharaxan golaha wakiilada Somaliland.

4. Canab Cabdi Xirsi oo ka sharaxan Xisbiga Ucid una golaha wakiilada gobolka sool.

xidhiidh ay la leeyihiin dalal ka soo horjeeda qaranimada Somaliland oo ay gacansaar la leeyihiin Cadowga Somaliland.

Sideed u aragtaa?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here