Wasiirka Warshadaha Oo Digniin U Diray Warshado Sharci Darro Ah Oo Dalka Wax-soosaar ka Sameeya

0
345

Wasiirka Warshadaha Oo Digniin U Diray Warshado Sharci Darro Ah Oo Dalka Wax-soosaar ka Sameeya

Hargeysa(Warsugan)Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland ayaa bilawday baadhitaan lagu samaynayo warshadaha Somaliland, islamarkaana lagu qiimaynayo heerkooda fayo dhawrka, si looga soo saaro warbixin muujinaysa habka ay u ilaaliyaan caafimaadka degaanka iyo bulshada iyo habka ay ula dhaqmaan hadhaaga waxyaabaha ay sameeyaan.

Koox ka mid ah wasaaradda ayaa shalay kormeeray Warshadda Furshaanta, warshadda sharaabka ee Ila Taango iyo warshadda Buugaagta ee Adco, kuwaasi oo la eegayay habka ay khashinka u maareeyaan, habka ay shaqaaluhu uga gaashaantaan shanqadha mashiinnada warshadda iyo kiimikooyinka iyo siday u ilaaliyaan fayo qabka degaanka iyo dadweynaha.

“Warshadlayda waxaanu u sheegaynaa inay kooxdaas kormeerka wadda shaqadooda garab ku siiyaan. Waxay u kuur galayaan xaaladda dhabta ah ee warshadaha, gaar ahaana dhinaca fayo dhawrka, waxaa la eegayaa habka warshaddu qashinka u maarayso, badbaadada shaqaalaha sida shanqadha waxay ka xidhaan, sida sameecadaha dhegaha, waxaa la eegayaa dhuumaha biyaha qaada iyo sidoo kale kiimikooyinka laga sameeyo alaabta sida looga baaran dego,” ayuu yidhi wasiirka Warshaduhu.

Geesta kalena wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sheegay inay og yihiin warshado yaryar oo si sharci darro ah dalka uga shaqeeya, kuwaasi oo aan la ogayn waxyeellada ay ku hayaan caafimaadka bulshada “Waxaa soo badanaya warshado aan wasaaradda ka diwaangashanayn, waxaa ka mid ah kuwo furinka soo saara iyo kuwo alaabooyin kale soo saara oo guryo hoostood wax ku farsameeya. Warshadda aanu ku qabanno iyadoo shaqaynaysa oo aan ogolaansho ama shahaado aan ka haysan wasaaradda warshadaha waxaanu ka qaadi tallaabo sharciga waafaqsan.Warshadda ogolaansho la’aan loogu badheedhayo iyadoo khatar caafimaad ku ah dalka iyo dadka waxa loola dhuumanayo garan mayno, cidda ku talaabsatana talaabo sharci ah ayaanu ka qaadi,” ayuu yidhi Wasiirku.

Xigasho Wargeyska Warsugan