telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Oo Ka Hadlay Wasiirada Madaxweyne Muuse Biixi  Uu Soo Magacaabay, Sheegay-na Inuu Guddoomiyenimada KULMIYE U Tartami Doono

Maaha Ujeedadii Aanu Muuse Biixi Usaarnay Kursiga Inaanu Ka Helno Boos Ama Aanu Wasiir Ka Noqono, Xisbibaanu Ahayn In Xisbigayagaasi Iyo Musharaxayagaasi Guulaysto Ayay Ahayd, Waanu Guulaystay,  Imikana Waanu Garab Istaagaynaa”  Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Mr Qabyatire

Hargeysa, (Warsugannews) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Qorshaynta Somaliland ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, Mr Maxamed Aadan Qabyatire ayaa sheegay in go’aanka cida la shaqaynaysa ee Wasiir ka noqonaysa xukuumada cusub uu leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ujeedadii ay kursiga u saareen Muuse Biixi aanay ahayn in Wasiiro uu u magacaabo balse ay ahayd Waajibaad xisbi, isla markaana ay hada la shaqayn doonaan.
Wasiirkii hore ee Qorshaynta Mr Qabyatire waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu soo dhisay xukuumad kooban marka loo eego xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo ka koobnayd 68 Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru-dawlayaal.
Mr Qabyatire, Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta la hadlayey isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ugu horayn aad iyo aad ayaan usoo dhaweynayaa waanan hambalyeynayaa, Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waad ogtihiin ilaa golaha dhexe waxaan ahaa raggii waliba aan anigu garab taagnaa dagaalkii golihii dhexe (battle ground), waliba waxa nagaga darnaa dagaalkii Waddani kii xisbiga Kulmiye gudihiisa, waxa la tartamayey niman badan oo aanu saaxiibno nahay qaar ehel la yahay waxa ka mid ahaa Samaale, waxa ka mid ahaa Kijaandhe waxa kale oo ka mid ahaa Maxamed Biixi Yoonis, ilaa wakhtigaa ilaa imika waxaanu garabtaanayn oo aanu isgarab taagnayn Madaxweynaheena Maanta Muuse Biixi Cabdi, ujeedada kaliya ee aanu ka lahayna waxay ahayd waan ninka kaliya ee Waddi kara Somaliland Siilaanyo dabadii, Alxamdulilaah Illaahay wuu nagu guuleeyey, waxaanu isleenahay wax allaale wax aad kala hadheen  Wasiiradii Xukuumadii hore, Naf iyo Baalba waanu garab dhignay, wakhti badana waanu siinay, illaahayna wuu nagu guuleeyey, Kursigiina waanu saarnay Musharixii xisbigayaga maantana waa Madaxweyne, xukuumada uu dhisayna waanu soo dhaweynaynaa, isagana waanu la shaqaynaynaa, waananu filaynaa insha allaahu guul Kulmiye ka dambana insha allaah.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Qorshaynta ee xukuumadii hore Maxamed Aadan Qabyatire.
Mr Qabyatire mar la waydiiyey waxa uu Madaxweynaha cusub Muuse Biixi uu golihiisa Wasiirada ee cusub uu ugu soo darawi waayey Masuuliyiin uu isagu ka mid yahay iyo in wax khilaaf ahi ay ka dhexeeyeen ayaa waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi “Madaxweynuhu isagaa go’aanka leh, Distoorkaana siinaya in isagu xukuumadiisa uu soo magacawdo, saaxiib dhaw ayaanu anagu ahayn laakiin go’aanka isaga ayaa leh ciduu magacaabanayo iyo cida la shaqayn karaysa.
Waxana waxaad la socotaayoo ama deegaan ayaa loo eegaa ama Beelaa loo eegaa, dawladd yar oo kooban ayuu dhisay, anagu 68 Wasiir ayaanu ahayn dawladii hore oo kala ah; Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru Dawle, wuxuu ka qaatay dawladii hore lix xubnood laba Wasiir ku xigeen iyo afar Wasiir, 62-dii kale wuu ka tagay.
Madaxweynaha cusbi isagaa og cidii la shaqayn karaysa iyo cida aan la shaqayn karayn oo wakhtigan xaadirka ahi uu ku munaasib yahay, go’aanka Madaxweynahaa leh wax gaar ah oo ka dhexeeya Wasiiradii horena ma jirto, Waayo waad ogaydeenoo Waanu isgarab taagnay imikana waanu isgarab taagaynaa.
Maaha ujeedadii aanu Muuse Biixi usaarnay kursiga inaanu ka helno boos ama aanu Wasiir ka noqono, Xisbibaanu ahayn xisbigayagaasina inuu guulaysto iyo inuu musharaxayagaasi guulaysto, waanu isgarab taagnay, imikana waanu isgarab taagaynaa insha allaah.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Somaliland ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Madaxweyneheenii hore Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu ii magacaabay La-taliye Madaxweyne, hadana waxa uu ii magacaabay Badhasaab, hadana Wasiir ayuu ii magacaabay oo aan noqday.
Dhawr jeer oo hore Waraysiyona waan idin siiyey in hankaygu uu yahay inaan Madaxweyne ka noqdo qarankan oo aan gudoomiyaha xisbiga u tartami doono, halkii ugu dambaysay ayaan taaganahay oo waa Wasiir meel loo dhaafaana ma jirto, kolayna shirweynihii xisbiga Kulmiye wuu furmi doonaa dee raga hungurigu uu ka hayo ayuunbaan noqon doonaa, markaa intan dambe waxa laga yaabaa in aanu xagaa xisbiga u guurno oo aanu ka noqono Musharixiinta Gudoomiyeyaasha xisbiga.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Qorshaynta Maxamed Aadan Qabyatiro.

 

 

190 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins