telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Caddaaladda Oo Xilkii Ku Wareejiyay Wasiirka Cusub Ee Wasaaraddaas Loo Soo Magacaabay

 Hargeisa (Warsugannews) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Axmed Faarax Cadare (Geesi) ayaa shalay xilkii ku wareejiyay wasiirka cusub ee uu madaxwaynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye Fariid, xafladan xilwareejinta oo ka dhacday hoolka shirarka wasaaradda caddaaladda JSL waxaana kasoo qayb galay gudoomiyaha maxkamadda sare Garyaqaan Adan X. Cali Axmed, wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradda caddaaladda Md Khadar Axmed Diiriye, wasiirkii kuxigeenkii hore ee wasaaradda caddaaladda Yusuf Axmed Faarax Komishinka Maamul wanaaga Mukhtaar Cabdi Cisman Gudoomiyaha Xafiiska Baadhista Xasuuqa Md. Khadar Axmed Like, Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL Sareeye guuto Maxamed Ibrahim Cisman (Xudhun) Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Xasan Cali Dheere Hay’addaha UNODC,UNSOM,UNDP, shaqaale waynaha wasaaradda caddaaladda iyo marti sharaf badan oo kala socday bulshada qaybaheda kala duwan.
Ugu horayn waxan halkaas ka hadalay agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda JSL Md. Jaamac Axmed Cabdiraxmaan “Waxaan maanta halkan ku sagootinaynaa wasiirkeeni hore Axmed faarax cadare iyo wasiir kuxigeenkii hore Md. Yusuf Axmed Faarax, wasiir-dawlihii hore Md. Khadar Axmed Diiriye waxan qirayaa inay ahayeen masuuliyiin hawlkara oo shaqada qaranka ay u hayaan daacad u ahaa mudadii aanu wada shaqaynayna wax badan ay noo qobsoontay waxan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.
Waxan halkan sagana aan kusoo dhawaynaynaa dhamaan anigoo ka wakiila shaqaale waynaha wasaaradda caddaaladda wasiirka cusub waxaan balan qaadaynaa inaanu kula shaqayn doono sidii aanu ula soo shaqaynay madaxdayadii hore waxana kuu diyaara shaqaale aqoon leh oo aad kaga gam’aysid shaqada aad u dirtid.”
Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda caddaaladda iyo wasiiru-dawlihii hore ee wasaaraddas waxay dhamantood qireen inay si niyad sami leh ugu soo dhawaynayaan wasaaradda wasiirka cusub allena uga baryay inuu xilkaas u fududeeyo mudada uu xilka hayo.
Gudoomiyaha maxkamada sare Garyaqaan Adam X. Cali Axmed ayaa saguna hadalo mahadnaqa u soo jeediyay wasiirkii hore ee wasaaradda caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare(Geesi) wuxuna sheegay inuu wasiir cadare ku xasuusan donaa wada shaqayntii wacnayd ee naga dhaxaysay iyo sidii aanu uga wada qayb qaadanay midayntii bahda caddaaladda waxaan kuu rajaynaaa mustaqbal wacan, wasiirka cusubna waxan balan qaadayaa inan ula shaqayn doono sidii aan ula shaqayn jiray wasiirkii hore.
Wasiirkii hore ee Caddaladda JSL Md. Axmed Faarax Cadare ayaa u mahadnaqay shaqaale waynaha wasaaraddda caddaaaladda JSL si wacnayd ee ay ula shaqeeyeen wuxuuna ku bogaadiyay inay sidaas iyo si ka qurux badanba ula shaqeyaan wasiirka cusub ee badalay wasiir cadare ayaa ku dheraaday waxqabadkii la taabanayay ee ay xukuumadii Madaxwayne axmed silaanyo dalka ka qabtay kuwaas oo ay kamid ahayeen waxbarashdii bilaashaka ahayd, darajadii ciidanka, iyo wadadii ceerigaabo waxqabadkaas oo lagu xasuusan doono madaxwaynihii hore ee JSL wuxuu u mahadnaqay bahda cadaaladda ee ay wada shaqaynta lahayeen uguna horeyo gudoomiyaha maxkamada sare
Gabagabadii waxaa saguna halkaas ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda caddaaladda JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye Fariid kaas oo ugu horay madaxaynaha JSl uga mahadnaqay magacaabistiisa uu ugu soo magacaabay wasaaradan, dhinaca kale wuxuu u mahadnaqay masuuliyiintii ka horaysay halka ay soo gaadhsiiyeen wasaradda wuxuna shaqaale waynaha caddaaladda ka codsay inay la shaqeyaan si ay u gaadhaan guulo waawayn wuxuna balan qaaday inuu shaqaale waynaha wasaradda cadaaaladda u caddaaladda samayn doono caddaaladna ku dhaqi doono
Gabagabadii waxaa halkaas lagu gudoonsiiyay shahaado sharafyo wasiirkii hore cadddaaladda iyo wasiirku kuixgeenkii iyo wasiiru-dawlihii wasaaradda caddaaladda.

173 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins