WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 1aad

0
514

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 1aad
W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI

Bisha Ramadaan waa bil uu Alle dhex yeelay fadli aad u weyn. Bisha Ramadaan waxaa loogu magac daray Bishii Qur’aanka, taasoo macnaheedu tahay in Qur’aanka la soo dejiyay bil Ramadaan, Waa Bil uu Alle ugu magac daray irid ka mid ah albaabada Jannada, waa Bil Alle adoomadiisa naarta ka xoreeyo, Waa Bil ay ku Jirto Habeenka Laylatul Qadri, Waa bil abuurta midnimo iyo iskaashi. Haddaba sidaa darteed asxaabtii Rasuulka NNKHH waxay ahaayeen kuwii si xiiso iyo farxad ku jirto ugu qaabila Bisha Ramadaan. Aad ayey u farxi jireen markay u dhalato Bisha Ramadaan, si ay uga faa’ideystaan fadligeeda.

Bisha Fadligaa iyo Khayrkaa Baddan huwan ayeynu isku dayi doonaa intaynu ku guda jirno inaynu wax ka iftiimino khayrkeeda iyo Camaladda lala imanayo. Waxayna noqon doonaan Qormooyin socon doona Ramadaan Dhamaanteen, Alle waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwii waxay ka faa’idaan camalkooda ka muuqato.

QORMADII 1-AAD
1. SIDEYNU U QAABILNAA RAMADAAN?
Soonka bisha ramadaan waa faral ka mid ah faralladda rabbi innagu waa jibiyey. Eebbe isagoo ka hadlayey soonka ayuu quraankiisa ku yidhi :

’kuwii iimaanka laga helayaw waxaan idinku waajib yeelay soon, sidii aan kuwii idinka horreeyey ugu faral yeelay oo kale’’ waana rukni ka mid ah arkaanta islaamka, nabiguna (NNKHH) waa kii xadiis ku lahaa islaamku wuxuu ku taaganyahay shan tiir, ‘’shahaadateynka, salaadda, soonka , sakada, iyo xajka ‘’.

Ramadaan waa ayaamo socda, qofka muslimka ahna laga rabo inuu ka qaniimeysto, ogwna waa fursada aad cimriga ku leedahay, waa ayaamo tirsan. Haddaba maxaad ka ogtahay ramadaan?
 Waa bil toban keeda hore tahay raxmad.
 Waa bil toban keeda dhexe tahay danbi dhaaf.

 Waa bil toban keed danbe yihiin qaar naarta la iska xoreeyo
Sideynu ugu diyaar garawnaa ramdaan, sideynu uga mid noqonaa kuwa ka macaasha, sideynu uga faa’ideysanaa. Rasuulkeeni suubanaa (NNKHH) ayaa xadiis ku lahaa ‘’ san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, qof ramadaan u soo gashay oo aan loo danbi dhaafin’’ riwaayada kalan waxay lahayd ‘’ rabbi naarta haku fogeeyo qof ramadaan u soo gashay oo aan loo danbi dhaafin’’ haddaba maxaad u malayn key ku dhaafto malaayacni, gidaar joog iyo khamaar oo uu ciyaaro.

Haddaba walaalahayga muslimka ahaw waxaan idin tilmaami dhawr tilmaamood oo aynu kaga qaniimaysanno karno ramadaan, kuwa loogu danbi dhaafo Eebbe ha inaga yeelee.
 TAWBADDA.

Si aynu uga fa’ideysano ramadaan shayga ugu horeeya ee la’inaga rabaa waa Eebbe oo aynu u tawbad keenno, kana murugoonno wixii danbi ahaa ee aynu soo sameynay.
 RABBIGA UGU MAHANAQ SOO GAADHI TAANKA BISHA RAMADAAN.

ALLAH ugu shukri naq la kulanka uu kula kulan siiyey bishan barakeysan ee ramadaan, kuna soo gaadhsiiyey bishan, kuna cibro qaado qaar kula mid ahaa oo jeclaa inay kula soomaan haddana maanta ka hooseeya ciida aad dul carareyso, aynu rabigeen u mahad celino nimcadan uu ina soo gaadhsiiyey darted.
 BARASHADDA AXKAAMTA SOONKA

Bilawga bishan ramadaan waxaad barataa waxyaabaha lagama maar-maanka ah, ee axkaamta iyo eedaabta soonku leeyahay ah, iyo cibaadooyinka ugaarka ah bishan ramadaan, sida salaadda taraawiixda, ictikaafka, sakada, ogowna barashadu waa qeyb weyn oo ka mid ah shayga aad rabto inaad gudato, aynu barano oo aynu cilmi u yeelano waxay ay wax inoogu hagaagayaan.

 QURAAN AKHRIS OO LOO BADIYO

Bishan ramadaan sharafta iyo qiimaha ay leedahay waxa ka mid ah waa bishii Eebbe kor ahaaye soo dajiyey quraanka kariimka ah, sidaas ay tahay miyaanay haboonayn inaynu badino akhriska quraanka inagoo waliba ku guda jirna bishii la soo dajiyey, nabiguna waxa uu yidhi (NNKHH) ‘’qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa loo qoraa darajo, halkaa darajana waa loo toban laabayaa’’ walaalahayga muslimka ahaw aynu ramadaan ku xoojino quraan akhris.
 KA FAA’IDIYASIGA LAY-LATUL QADRIGA.

ka faa’ideyso habeen ka fadli badan 1000-bilood, habeen hadaad danbi dhaaf dalabtid lagaa aqbali, habeen hadaad Rabbiga a ka rajeysid in naarta lagaa xoreeyo in Eebahaa kaa xoreyn, qofka muslimka ahaw habeenkani waa habeen dhinac kasta ka dhameystirana aynu ka faa’dideysano, fiiro gaarana aynu u yeelano.
 KU DA’DAALKA DUCADA.

Ku da’daalka xifdiga adkaarta iyo ducooyinka ugaarka ah bisha ramadaan, inagoo rajeyneyna inuu Eebbe inaga aqbalo, waxay inoo furi albaab kasta oo kaa xidhnaa, Rabbiga na ha

Lasoco…

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI
Xigasho Wargeyska Warsugan