Wax Ka Ogow Goolhayaha Ugu Cayilan Britain Ee Doonaya Inuu Celiyo Arsenal Kulanka FA Cup Ee Habeenka Isniinta

0
489

Goolhayaha labaad ee kooxda Sutton Wayne Shaw ayaa diyaar u ah inuu celiyo Arsenal marka ay Gunners booqato Gander Green Lane habeenka Isniinta.

Shaw ayaa ah goolhayaha ugu cayilan Britain, waxaana uu noqon karaa ninka ugu danbeeya ee daafaca kooxda National League ka ciyaarta ee Sutton marka ay ka horimaanayaan xiddigaha sida Theo Walcott iyo Danny Welbeck.

45 jirkaan ayaa miisaankiisa uu kor u dhaafayaa 125 kiilogaraam laakiin waxa uu weli safraa 128 kiilomitir marka uu xaadirayo ciyaaraha garoonka kooxdiisa isagoo ka soo safra gurigiisa oo ku yaala Southampton.

Shaw ayaa sidoo kale qeyb ka ah howlaha dadweynaha, waxaana uu ambasadoor u yahay kooxda dadka iinta leh ee koonfurta magaalada London.

Kooxda Gunners ayaa mashaqo ku jirta haatan ka dib markii ay guuldarro 5-1 ka soo gaartay Bayern Munich.