“Waxa Lagama-Maarmaan Ah Oo Aannu Ugu Baaqaynaa Musharaxiinta Sadexda Xisbi Qaran Inay Xakameeyaan Taageerayaashooda Cadhadooda Iyo Caadifadooda.” Wasiirka Madaxtooyada JSL + Sawiro

0
753

“Waxa Lagama-Maarmaan Ah Oo Aannu Ugu Baaqaynaa Musharaxiinta Sadexda Xisbi Qaran Inay Xakameeyaan Taageerayaashooda Cadhadooda Iyo Caadifadooda.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa (WSN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirada Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire iyo Duulista Md. Faraxaan Aadan Haybe, ayaa maanta cisbitaalka guud ee hargeysa ku booqday qaarka mid dhaawacyadii ku waxyeeloobay rashabadihii ka dhacay qaybo ka mid ah Hargeysa iyo Burco oo halkaasi lagu dawaynayo.

Wasiirkada Xukuumadda oo booqday dhaawacyadaasi oo isgu jira dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidamada Booliska ayaa dadkaasi dhaawac ah u duceeyey, sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey guud ahaan khasaaraha ka dhashay rabshadaasi ka dhacay labada magaalo.

Wasiirada oo saxaafadda la hadlay ayaa sidoo kalne bulshada Somaliland ugu baaqay inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amaanka, sidoo kalena laga war sugan guddida doorashooyinka qaranka, Wasiirka Madaxtooyadda saxaafadda kula hadlay gudaha cisbitaalka booqashadaasi ka dib ayaa waxa uu yidhi “ Saaka ujeedada socdaalkayagu waxa ay daaranayd in dadkii rayidka ahaa iyo askartii rabshadaha ku dhaawacmay aannu ku soo booqano cisbitaalka weyn ee caasimada Hargeysa. Ugu horayn waxaannu ka xunahay dhibaatooyinkaas iyo rabshadaas dhacay, waxaannu xaqiijinaynaa in arimahaas aannnu ka murugaysan nahay. Xogaha aannu hayno rasbahdaas ka dhacay caasimada qayb ka mid ah iyo magaalada Burco qayb ka mid ah ilaayo hada waxa ku geeriyooday sadex qof oo rayid ah, waxa ku dhaawacmay 19 ciidamada amniga ka shaqaynayey ah, oo dhaawacyadoodu kala duwan yihiin.”

“ 18 askari waxa lagu dhaawacay dhagxaan, waxa jira hal askari oo xabad lagu dhaawacay oo aqal laga soo toogtay oo adinka ay xabadaasi kaga dhacday, dhammaan askartaasi way ladan yihiin, waxa kale oo dhaawac ah sagaal qof oo rayid ah kuwaas oo sideed ka mid ahi ay ku dhaawacmeen rabshadaas ay ciidamada amniga iskaga hor imaadeen, hal qof oo rayid ah oo nin dhalinyaro ah oo aannu ku soo booqnay cisbitaalka qaybta adeega deg-dega ah, waxa dhaawacay wiil dhalinyaro ah oo ay arrimaha siyaasada isku qabteen, laba taageere ayey ahyeen oo laba xisbi ah, dagaal iyo muran ayaa dhex maray, midkii kale ayaa toogtay oo isna waa xidhan yahay.”

Mudane Xaashi ayaa ka hadlay tirade dhimashada rabshadaasi waxaanu yidhi “ Sadexdaas qof oo dhintay gabadhi Hargeys ayey ku dhimatay laba nina Burco ayey ku dhinteen, waxaannu ka tacsidanaynaa qoysaskii dadkaa dhintay geeridaas, waxaannu ILHAAY ugu baryeynaa inuu u dambi dhaafo, waxaannu la wadaagaynaa murugada, dad kale ee dhaawaca ah haday yihiin rayidka iyo ciidamadaba waxaannu ILAAHAY ugu baryeynaa inuu caafimaad siiyo, oo shaafiyo.”

Wasiirka Madaxtooyada yaa bulshada baq u diray waxaanu yidhi “ Waxaaanu leenahay rabshado maanta qarankani uma baahna, uma baahin dhibaato iyo amnigeena inay khalkhal galino, maanta Somaliland waxa ay qabtaa badhaadhe, waxa aynnu jidkeedii haynaa bash-bash iyo barwaaqo, in aynnu ILAAHAY u mahad-naqno ayeynu u baahan nahay, wax inaga maqan anigu ma ogi oo aan belo ahayn, belana uma baahnin inaynu u yeedhano. Waxa aynnu nahay qaran, doorasho ayeynu galnay, si wanaagsan ayey inoogu qabsoontay, sumcad iyo karaamo ayeynnu ka helay, doorashadii ugu hufnayd ee qarankan ka dhacda ayey ahayd, dalka Somaliland oo dhan ayey ka dhacday gees ilaa gees, war-bixinaheedii sidii ay u dhacday waatii laga waramayey, wali najiito lama soo saarin waxa waajib ah, inaynu sumacdeeda iyo karmaadeeda dhawrno, in aynnu qaranka sumacdiisa iyo karaamadiisa dhawrno, xisbiyada iyo murrashaxiinta tartamayaa waa dad walaalo ah qarankan ka soo wada jeeda, Xisbi wal iyo musharax waliba waa inuu fishaa guul iyo guul-daro marka uu tartamayo.”

Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena baaq u diray asxaabta qaranka Waxaanu yidhi “ Waxa lagama-maarmaan ah oo aannu ugu baaqaynaa musharaxiinta sadexda xisbi qaran inay xakameeyaan taageerayaashooda cadhadooda iyo caadifadooda, inay dajiyaan oo wacyi galiyaan ayaa waajib ku ah, sax maaha in banaan baxyo iyo mudaharaado la sameeyo iyada oo aan gudida doorashooyinka qaranku najiitooyin sheegin, cid guul sheegan kartaa ma jirto ilaa guddida doorashooyinku wax ku dhawaaqaan, waxay ka mid tahay shuruucda iyo xeerarka laga saxeexay xisbiyada qaranka.”

Ugu dambayntii Hargeysa Wasiirka Wasaarada Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa baaq hawada u mariyey ciidamada amaanka waxaannu ugu baaqay inay muujiyaan dulqaad dheeraad ah isla markaana si taxadar leh u maamulaan xaalada ka hor imaada waxaanu yidhi “ Waxaanu leenahay shacbiga Somaliland nabadda ilaaliya, ciidamada ammniga la shaqeeya, cida fidnada wada ka hortaga ee nabadgalayadiina khalkhalka galinaysa, waxaannu ciidamada qaranka ku boggaadinaynaa ammniga ay sugayaan, nabad-galayada ay habeen iyo maalinba u taagan yihiin ilaalinteeda, waxaannu iyaga ku dhiiri-galinaynaa inay si taxadr leh u maamulaan xaalada inay khasaaraha yareeyaan, inay dulqaad iyo samir badan yeeshaan, taa macnaheedu maaha in dadka rabshada wada aan laga hortagaynin.”