telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Waxaan Arkay Qaar Xaasidiin ah Oo Daciifa Oo Doonaya Inay Siilaanyo Dabadii Xantaan Oo Leh Waxbaa La Musuqay, Waxbaa La Qabyaaladeeyay, Waa Xagxagasho Waana Daciifnimo Iyo Xaqiirnimo”Wasiirkii Hore Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse

Hargeisa (Warsugannews) – Wasiirkii hore ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay xilkii ku wareejiyay wasiirka cusub ee dhawaan loo magaacay wasaaradaasi Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa xukuumadii hore ee uu ka tirsanaa ka difaacay eedo musuqmaasuq oo loo soo jeediyey, kaas oo xaasidiin ku tilmaamay dadka musuqmaasuq ku naqdiya xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo.
Waxaanu sidaasi ku sheegay munaasibadii uu shalay xilka ku wareejinayey, kaas oo ka warbixiyey waxqabadkii xukuumadii hore, isla markaana tibaaxayna inuu Madaxwayne Siilaanyo masuul ka ahaa guushii xisbiga Kulmiye doorashada madaxtooyadda ee dalka 13 November, taas oo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Boorama waxa loo socon jiray saddex saacadood maantana waxa loo socdaa saacad wax ka yar.
Axmed Siilaanyo waxa uu dhisay dawladnimadan quruxda badan ee dhammaanteen aynu liiska uu magacaabi doono Muuse Biixi sugaya, berigii hore aad-ba looma sugi jirin, liiskaa aad-ba looma sugi jirin waayo miisaankaasi muu jirin-ba, miisaankaa uu leeyahay maanta waxa u yeelay Axmed Siilaanyo Ilaahay raali ha ka ahaado.
Waxaanse arkay qaar xaasidiina oo daciifa oo masaakiina oo doonaya inay Siilaanyo dabadii xantaan, waxbaa la musuqay, waxbaa la qabyaaladeeyay, waa xagxagasho waana daciifnimo iyo xaqiirnimo.
May suurto gasheen in Kulmiye mar labaad talada ku guulaysto hadaanu Siilaanyo uga tagin legacy lagu doortay”
Wasiirka cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha Xasan Maxamed Cali oo xaflada xilka uu wasiirkii hore kala wareegayay ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Marka hore wasaaradan waxay u adeegi jiray waa xoolo dhaqato, xoolo dhaqatadu way guuri jirtay, geeddi bay ku dhisnayd ay u guurayso hadba meesha cawska iyo biyuhu ay jiraan.
Waxa muuqata inay soo gaabatay oo geedigaasi inuu soo gaabtay, inay abaaro soo kordheen roobabkiina yaraadeen.
Waxaynu u baahanahay fakar cusub in lala yimaado, iyadoo baahidii xoolaha iyo waxa xoolaha ka soo bixi jirayna ay aad u kordhayaan, markasta oo magaalada la soo galo waxaynu u baahanay in fakar cusub oo lagu maamulo xoolihii la helo”
Waxa munaasibadaasi hadal kooban ka jeedisay wasiir ku xigeenka cusub ee xanaanada xoolaha Yurub Abiib, waxaanay tidhi “Waxa weeyaan insha allaah waxaan idiinla shaqayn doonaa si dhaw shaqaalaha wasaarada.
Qoladii horena waxaanu leeyahay qaranka ha ka fogaanina, waxa weeyaan xukuumada cusub ee Kulmiye marka ay soo magacowday wasiiradii ee ka marag furteen inay xukuumadii Kulmiye yihiin, idinkuna laakiin Kulmiye ayuun baad ahaydeen Cabdillaahiyow, intan uun baynu is-daba wareegaynaa oo ninba maalin buu qabanaya.
Markaa ha naga fogaanina insha allaah, xilkuna waxa weeyaan sida la sheegay qaranka uun baa la wada leeyahay, waa la isdaba taagan yahay, nina maanta ma filayo inuu maanta tagayo midna ma filayo inuu maanta soo soconayo, qaar badan oo filaynina way imanayaan qaar badan oo filaynina way tagayaan.
Laakiin waa la isdaba jooga oo intan uun baa la isdaba wareegaya ninba jaanisku wuu soo marayaa, ka yarna wuu soo marayaa, ka weyna maalin uun buu soo marayaa”.

 

 

 

152 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins