“Waxaan Ku Bogaadinayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda Hirgelinta Ceel-biyoodka Coodanle”

0
543

“Waxaan Ku Bogaadinayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda Hirgelinta Ceel-biyoodka Coodanle”

Xildhibaan Cisman Faarax Warsame (Jiciir)

Buuhoodle (WSN) Xildhibaan Cisman Faarax Warsame (Jiciir) oo ka mid ah mudanayaashsa golaha deegaanka Degmada Buhoodle, ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ku bogaadiyay hirgelinta ceel-biyoodka Coodanle.

Mudane Cismaan Faarax Warsame waxa uu uga mahad naqay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirka wasaaradda maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, dadaalkii iyo dhiirigalintii ay ka geysteen hirgelinta Riiga Coodanle, kaas oo ka dhashay safarkii ay Wasiir Zmazam ku soo martay deegaanka Coodanle.

Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Burco, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan “Anigoo ah Xildhibaan Cisman Faarax Warsame Jiciir kana mid ah xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Buhoodle waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Zamzam Cabdi Aadan, anigoo uga mahadnaqaya dadaalkii iyo dhiirigalintii ay ka galeen Riiga Coodanle, iyadoo ay sabab u ahayd qaylo dhaantii ay Wasiir Zmazam ku soo martay deegaanka Coodanle, madaxwaynuhuna si deg deg ah uga jawaabay taas oo guul la taaban karo laga gaadhay.
Riigaas oo noqday riig aad loogu diirsaday. Riiga Coodanle ee ZAMZAM oo ilaahay biyihiisa ka dhigay ZAMZAM.

Haddaan warbixin kooban aan ka bixiyo ceelkaas, wuuxu daboolay baahidii biyo la’aaneed 80% (boqolkiiba Sideetan) biyihiisuna waxay noqdeen biyo macaan oo aad loogu diirsaday, wuxuuna u haaban yahay xoogaa qalaba oo ah kaydiyayaasha biyaha sida tawaaangi biyood.

Waxaan mahadnaq ballaadhan usoo jeedinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay, haday tahay shirkadii dhisaysay iyo shaqalihii aan habeen iyo maalin toona nasanayn ee hawsha gacanta ku hayay, iyo masuuliyiintii dagaalka dheer u galay sidii looga midho dhalin lahaa howshaas lagu guulaystay.
Waxaan ugu baaqayaa dhamaan masuuliyiinta Jamhuuriyada Somaliland in xaaladii abaartu sii laba jibaarantay, waxaanan soo jeedinayaa in la joojiyo xafladaha iyo waxyaabaha la mid ka ah loona soo gurmado dadka ku nool Gobolada Bariga Somaliland iyo dhamaanba kuwa kale ee la mid ka ah.”