“Waxaanu dawladda Ingiriiska kala hadalney guud ahaan arrimaha Somaliland”Guddoomiye Cirro‏

0
311

“Waxaanu dawladda Ingiriiska kala hadalney guud ahaan arrimaha Somaliland”Guddoomiye Cirro‏
London(Waqrsugannews)Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA-da,isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Waxaanu dawladda Ingiriiska kala hadalney guud ahaan arrimaha Somaliland,oo aanu warbixin ka siinney,hadday tahay amniga iyo arrimaha doorashada” “Waxaa kale oo aanu maanta soo bandhigney barnaamijka siyaasiga ee Xisbiga baarlamaanka Ingiriiska ee (House of Comment

Sidoo kale guddoomiye Cirro isaga oo ka hadlaya waxaa uu safarkiisu daaran yahay ayaa waxaa uu yidhi “Sidoo kalena barnaamijka xisbiga waxaanu ku soo bandhigi doonnaa House of Lords haddii Illaahay ka dhigo, waxaa kale oo aanu barnamaijka xisbiga ku soo bandhigi doonnaa xarunta baarlamaanka Yurub ee Brussels Arbacada haddii Illaahay ka dhigo,guud ahaan waxaanu kala kulmeyney uun barnaamijka ka sokow arrimaha guud ee Somaliland ictiraafku ka mid yahay,xaaladda guud ka mid tahay,doorashooyinka,diwaanngelintu ka mid tahay sidii ay dalka goob joogayaal uga mid noqdaan diwaangelinta”Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro oo mar wax laga weydiiyey cabashada ka jirta gobolada bariga Somaliland ee la xidhiidha dhinaca doorashada ,gaar ahaan gobolada Tog-dheer Iyo Sanaag “Cabashooyinku runtii waxaan qabaa gaar ahaan gobolka Tog-dheer wakhtiga ay ku beegantay diwaangelintu in wakhti ka fiican lagu beegikarayey,taasna waxaa sababay diwaangelinta oo dhowr jeer dib-u-dhacday,yeelkadeedee waxaa noo muhiim ah shacbiga reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa cabashadoodu waa dhab sida aan anigu qabo wakhtigu waa adag yahay,dadku reer guuraa ayey u badan yihiin, jiilaalbay ku jiraan,jiilaalkuna waa wakhtiga ugu adag xoolo-dhaqatada,waana gobol xoolo-dhaqato u badan marka la eego Tog-dheer”

Dhinaca kale Guddoomiye Cirro oo ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Burco inay ka qayb galaan doorashada oo ay qaataan kaadhka diwaangelinta “Waxaan ka codsaneynaa oo aan u soo jeedineynaa inay shacbigu xaalad kastaa ha adkaatee inay diwaangellinta ka qaybgalaan oo ay is-diwaangeliyaan,komishankana waxaan u soo jeedineynaa in la taxgeliyo hadduu ugu dhammaan waayo wakhtiga iyo maalmuhu in la tixgeliyo”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa ka hadlay cabashada gobolka Sanaag waxaana uu yidhi“Sanaag gobolka ugu danbeeya ayuu noqon doonaa,waxaan leeyahay gobolka midi kaddabneeyo waxaa jirey goobo ama degmooyin, dalku wuxuu kakooban yahay 23 degmo doorasho degmooyinka qaar hore doorashooyinku ugamay qabsoomin,diwaangelintuna kamay qabsoomin”.

Guddoomiye Cirro ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi“Waxaa xukuumadda iyo koomishankaba ku waajib ah In la gaadhsiiyo muwaadin kasta oo loo suurto geliyo in inuu is-diwaangeliyo,xukuumaddana waxaa ku waajib ah meel kasta oo la geeynayo sanduuq codbixineed ama diwaangelineed in amniga la sugo” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Dhinaca Mar wax laga weydiiyey Guddoomiye Cirro in xukuumadda Siilaanyo ay marar badan ku cel-celisey inay Soomaaliya ku hayso faro gelin siyaasadeed dalka Somaliland ayaa Guddoomiye Cirro waxaa uu yidhi “Puntland,Soomaaliya ayey ka tirsan tahay markaa xuduudka ugu sokeeya ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wadaagaan waa Puntland,horeba way u dhacday in Puntland xilliyo doorasho oo hore noo soo maray ay faro gelin ku sameeysey doorashada Somaliland,laba shacbi oo walaalo ah ayaanu nahay”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa baaq u diray Xukuumadda Soomaaliya inay ka fogaadaan inaanay wax faro gelin ah ku sameyn dawladda Somaliland xilliga doorashada waxaana uu yidhi “Waxaanu ka codsaneynaa oo aanu u soo jeedineynaa in faro gelintaasi aaney dhicin wakhtiga doorashada”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey Guddoomiye Cirro aragtida uu ka qabo shirkii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya,kaasi oo ay xukuumadda Siilaanyo ku tilmaamtay dalka Turkiga inaanu dhexdhexaad ka ahayn shirkaasi ayaa waxaa uu yidhi Guddoomiye Cirro “Wada hadalka Somaaliya iyo Somaaliland,axsaabta mucaaradka ahi waxay ka ahaayeen qayb,xukuumaddu waxay go’aansatay inay xisbiyada ka saarto,oo ay kaligeed waddo,iyana meel may gaadhsiin,oo sidaan qabo fashilbaa ka dhacay,oo waxaan qabaa uun dee in istaraatajiyada iyo sidii loo wada hadlayo wax laga beddelo si ay midho uga dhashaan wada hadalka”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale mar wax lag weydiiyey Guddoomiye Cirro inuu isagu diyaar u yahay inuu sii socdo wada hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu yidhi “Go’aanbuu ahaa in lawada hadlo,laakiin shacbiga afar sano ayuu ka midho sugayey inay wax ka dhashaan markaa haddii kaa hore hadday wax ka suurto geliwaayeen istaraatajiyada in wax laga beddelo waan qabaa,wada hadalku waan qabaa inuu sii socdo”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro sidoo kale mar wax laga weydiiyey ictiraafka Somaliland inuu ku dheeraaday oo ay habboon tahay inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaaliya ayaa waxaa uu Guddoomiye Cirro ku jawaabay “Waxay ila tahay wakhtigu ma badna dawlado badan oo nooga horreeyey oo wali icitiraaf doon-doonaya ayaa jira,waad ka warqabtaa laba Chine ayaa jira,China-ha wayn iyo China-ha aan la aqoonsaneyn oo dunidu laakiin la macaamishaa,Somaliland-na labaatan (20)sano ayey doon-dooneysey ictiraafka,isagu (Chine)waxaa laga yaabaa inuu 70 sannadood doon-doonayey,Falastiin baa ka mid ah oo intaas oo dhan qaddiyadeedu taagneyd,markaa waxaa isleeyahay inay intaa ka gaabato waan jeclaan lahaa,laakiin waa go’aan ka shacbi,uuna sii socon doonaa icitraaf raadintu”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro hadalkiisa ku soo gunaanaday.