Waxgaradka Degaanka Qoolcaday Oo Safar Qaxiiqo Raadin Ah Ku Tagay Mashruuca Seeraha Aroori Iyo Rajada Hirgalinta Dhigiisa Hargaysa Oo Soo Noolaatay

0
504

Waxgaradka Degaanka Qoolcaday Oo Safar Qaxiiqo Raadin Ah Ku Tagay Mashruuca Seeraha Aroori Iyo Rajada Hirgalinta Dhigiisa Hargaysa Oo Soo Noolaatay

“Waxaa Naga Baxay Beentii Ay Shubayeen Dadka Qaarkood Ee Ahayd Ceelala La Qodaayo Iyo Cisbitaalo La Samaynaaya Ma jiraan, Aroori Ayaanu Indhahayaga Ku Soo Aragnay”

Hargeysa (Warsugannews)-Odayaasha iyo Cuqaaasha Degaanka Qoolcaday ayaa safar xaqiiqo raadin ah waxay ku tageen Mashruuca Seeraha Xoolaha ee banka aroori oo ku yaala Duleedka magaalada Burco. Wax garadkan ayaa ku soo arkay mashruuci Seeraha oo gebo gebo ku dhaw. Isla markaana la dhamays tiray Ceelashii Riig Biyoodka ahaa, xarumihii Dhakhtarada, Goobihii xanaanooyinka. Waxayna taasi ka badashay fikirkoodi hore ee ay ka qabeen hirgalinta mashruuca seerayaasha. Iyadoo aan ilaa hadda la taaban Seerayntii degaanka Qoolcaday oo qorshuhu ahaa inay mar wada bilaabmaan ka Aroori.

Odayaasha iyo waxgaradka Qoolcaday oo wixii ay ku soo arkeen safarkoodi Aroori xog waran ku siiyay Wasiirada Xanaanada Xoolaha iyo Qorshaynta Qaranka xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha, waxay cadeeyeen inay hadda wixii ka danbeeya is barbar taagi doonaan sidii uu u hirgali lahaa Seeraha Qoolcaday.

“Waxaanu Indhahayaga ku soo aragnay mashruuci Aroori oo socda oo Ceelashii biyaha la qoday oo dhakhataradii la dhameeyay. Waxaa naga baxay hadalkii badnaa tiradii ee laysla dhexmaarayay ee dad dano gaara lihi la haayeen wax la qodayaa ma jiraan. Maanta laga bilaabo waxaanu idin cadaynaynaa inaanu barbar taaganahay dhammaantayo sidii mashruuca Seeraha Qoolcaday u hirgali lahaa. Waayo degaanka iyo Duunyadaba danweyn ayaa ugu jirta. Rer Togdheer Aroori way ka faa’iidaysteen iyagaa u midoobay.” Sidaa waxaa yidhi mid kamid ah odayaashii Safarka ku tagay Seeraha Aroori

Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Cabdillaahi Cukuse ayaa isna Kulan kaas ka sheegay inuu aad ugu farax sanyahay inay intaas oo Waxgarad ahi soo xaqiijiyaan runta iyo dhaxalka muuqda ee laga gaadhay Mashruuci Seeraha Aroori, wuxuuna ugu baaqay odaasha inay gaadhsiiyaan wixii ay soo arkeen dadka degaankana isna garab taagan sidii Seeraha Qoolcaday u hirgali lahaa maadaama oo wakhti koobani ka hadhay inuu mashruucaasi dhaco.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Salaan Jirde (Cali Shoonba) oo isna ka hadlay war bixintii odaygaasha kadib. Inuu dadaal weyn u galay sidii dib loogu soo celin lahaa isaga iyo Wasiir Cukuse mashruuca Seeraha Qoolcaday, kadib markii wakhtigii loogu tallo galay uu dhammaaday . Wasiir Cali Shoonbe wuxuu kula Dar daarmay Cuqaaasha iyo Waayeelka degaanka inay la shaqeyaan oo la badbaadiyaan sidii loo xaqiijin lahaa mashruuca Seeraha Qoolcaday oo degaanka wax Weyn ka Badali doona una soo kordhin doona.

1

2

3

4

5

6