Weftiga Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland oo la kulmay culimada madaxda ka ah Jaamacadda Al-azhar ee Qaahira, Masar

0
399

Weftiga Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland oo la kulmay culimada madaxda ka ah Jaamacadda Al-azhar ee Qaahira, Masar.

Qaahira(WSN)Wefdigii u hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL Dr. Sacad Ali Shire ayaa la kulmay Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Al-azhar Sh. Dr. Abas Shomaan, Magaalada Qaahira
Xarunta Jamacadda Al-Azhar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wasiirka iyo Saraakiishii ku weheliyay weftigiisa safarkan shaqo.

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxuu ugu horayn uga mahad celiyay Sheekha soo dhawaynta wanaagsan ee uu u fidiyay weftiga, waxanu si qoto dheer uga hadlay xidhiidh taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Al-azhar. Wasiirku wuxu u sheegay in Al-azhar ay gacanta ku hayn jirtay iskuulka Burco ee Jamaal Cabdi Nasir isla markaana ay Somaliland ka codsanayso Al-azhar in ay dib u soo celiso xidhiidhkii ay la lahayd Somaliland ee xagga waxbarashada Diinta iyo inay deeqo waxbarasho u fidiso Somaliland.

Sh. Dr. Abbas Shomaan ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay dalabka Wasiirka, waxanu hoosta ka xarriiqay in Al-azhar ay diyaar u tahay inay ka taageeraan Somaliland Dugsigaas Burco ee Jamaal Cabdinaasir gaar ahaan xagga manhajka Al-azhar, macalimiinta iyo maamulka dugsiga intaba.

Waxa kaloo Sh. Dr. Abas Shomaan u ballanqaaday Somaliland in Al-azhar ay tababaro u fidin doonto imaamyada masaajidda Somaliland, isla markaana ay usoo diraan Somaliland culimo takhasus ku ah xagga dacwadda diiniga ah oo muxaadarooyin ka jeediya masaajiidda Somaliland.

Sidoo kale, waxa kulankaas lagaga wada hadlay in Al-azhar ay usoo dirto Somaliland Khubaro Culimo ah oo qiimeyn ku sameeya Imaamyada masaajiidda iyo in Al-azhar ka taageerto Somaliland xagga talo bixinta masaaisha diiniga ah sida nidaamka bangiyada ee islaamiga ah (Islamic banking system).
Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of Somaliland

AZHAR 2

AZHAR 22

AZHAR SHAREEF