Wenger oo rajo ka muujiyay in sanadkaan ay ka soo gudbi karaan wareega 16-ka

0
354

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa rajo ka muujiyay in kooxdiisu ay ka soo gudbi karto sanadkaan wareega 16-ka.

Arsenal ayaa la ciyaari doonta habeen dambe kooxda Bayern Munich lugta hore ee wareega 16-ka oo kooxdu aysan ka gudbin tan iyo 2010.

Balse tababaraha Arsenal ayaa sheegay in kulamadii ay ka hortageen kooxda Bayern Munich ay ku reebtay xusuus xun laakiin markaan uu dareensanyahay in kooxdiisu ay haysato fursad fiican.

“Haa, tijaabo xun ayeey nagu reebeen laakiin waxaan dareemayaa in markaan ay nootahay fursad fiican” ayuu ku jawaabay mar la waydiiyay in kooxdiisu ay ka soo bixi karto Bayern Munich.

“Kulanka hore waxaan ku soo ciyaaraynaa banaanka sidaas darteed waa inaan ilaashanaa kulanka labaad, hadii aan doonayno inaan soo baxno, taasi waxay noo ahaan doontaa mid muhiim ah”.