Wiil Soomaali Ah Oo Ka Mid Ahaa Shaqaalaha Xawaaladda TAAJ Oo Lagu Dilay Magaalada Minneapolis Ee Dalka Maraykanka

0
335

Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalada xawaaladda TAAJ, kaddib markii koox hubeysan oo doonayay inay dhacaan xawaaladda ay toogteen.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusman Baqarre ayaa cisbitaalka loola cararay, iyadoo waxyar kaddibna lagu dhawaaqay geeridiisa.

Booliska Magalaada Minneapolis ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeysay dilka Liibaan, waxaana afhayeenka booliska Minneapolis John Elder uu sheegay inay billaabeen baadhitaanka toogashadan, isagoo ka codsaday dadweynaha in haddii ay helaan macluumaad ku saabsan dadka looga shakisanyahay dilkan ay u soo gudbiyaan dambi-baadheyaasha Minneapolis.

Soomaalida xaafadda Cedar oo ka xun dilkan ayaa iskugu soo baxay goobtii lagu dilay Liibaan Baqarre.

Dhawaan ayay ahayd markii toogasho noocan oo kale ahayd lagu dilay Macallin Cabdinaasir oo mid ahaa macallimiinta dugsiga Qur’aanka ee Al-Jazari ee Masaajidka Dal-Alfaaruuq ee magaalada Bloomington gobolka Minnesota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here