Wuu Xijaabtay Jaxaygi W/Q: Suxufi Khadar Hanad

0
374

Wuu Xijaabtay Jaxaygi W/Q: Suxufi Khadar Hanad

Qormadani Waa Qormo Aan ku cabiray Dareenki Naxdinta Badnaa ee Uu Igu Lahaa Shilki Naxdinta Badnayd ee Ku Dhacay Jidka u dheexaya Magalada Burco Iyo Sheekh ee U Xijaabtay Saxiibkaygii Rumaad Ee Aan Isku Mihnada ,Walaanimada Iyo Saxiib Gaarka Ku Ahayn Nolashan Aan Lagu Warayn.

Shilkii Gaadhi ee ka dhacay Jidka U Dhexeeya Magalada Burco Iyo Sheekh Waxa u Ahaa Shil Murugo Badnaa Oo Maalin Dhiilo U ahayd Magalada Burco ,Waxay ahayd Maalin Dhalinayaro Fara Badan uu Ubixi Burco ayaa Ay Ku Le,deen Shilkaasi Gaadhi,

Aniga waxay ihayd maalin igu naxdin Badan Oo Si Gaara itabatay Waxanay ahayd Mar Goor sheegto Tilmamaysa 6:30 Fiidnimo Marki la Isoo Sheegay Shilka Gaadhi ee Uu Ku Jiray Saxibkaygu Qaaliga ahaa Ilahay Godka Ha Unuree Marxuum Suxufi Sharmaake Inu Markaasi Dhawac Halis ah Uu Yahay Isaga Iyo Inankale Dhawac Ka Yahiin Oo Intii kale ee la socotay Ay Ku Madheen Shilkaasi Gaadhi,Waxa isoo wajahday Naxdin Badan, Waan U Qadan wayay Waxa aan Go,aansaday Inaan Si Deg Deg ah ku tago Cusbitaalka Burco Uu Yaleen Maydadka Marxumadaasi iyo Dhawaca Saxiibkay , Waan Soo Gadhay Cusbtaalka Burco Waxa Ku Sugnaa Dad aad Ubadan Oo Hor Tubnaa Cusbitaalka Isla Markaana Ay Mar Qudha Isla Ogsatay Ohin Aad Guxeeda Modayso Mawjad Soo Rogmatay Mise Waxa aan Jaleecay Dhankayga Midig Mise Waxa aan Arkay Asxaab Badan Iyo Waliid Fara Badan oo Oyay ,Waan Is Badalay Waxa isuurta Gashay Inaan Galo Cusbitaalka Markaan Gudaha Cusbitaalka Galay Ayaa Waxa aan Abaaray Saxiibkay Waadhka u Yaalay Mise Wala Xidhay Albaabka Waan Waraysatay Waxa La Isheegay Inuu Yahay Dhawac Culus Oo La Dabiibayo.

Iyada oo Aan Taganahay Gudaha Cusbitaalka Burco ayaa War Dhiilo Badan Oo Aan Aad Uga Naxay Isoo Gaadhay Qof Idhawaa Ayaa Cod Hoos ah Oo Murugo Iyo Naxdin Huwan Igu Yidhi Saxiib Samir Iyo Imaan Saadiqa Haynaga Siiyo Wuu Xijaabtay Saxibka Sharmaake waniga Hada Kaso Baxay Ayu Iraciyay, Ax Ax Ax Geeriyeey Cid Kasta Isku Wacane Kale Qarisooy Waan Uu Qadan Wayay Waxa Noqday Qof Jooga Oo Hadana Maqan,

Hadaba Saxiibkay Sharmaake Waxa Aan Is Baranay Mudoo Laga Joogo Todaba Sanno Waxa Is Barnay Maalin Sabti Ah Waxana Ku Sugnaa Iskuulka Togdheer Xili Duhur ah Aayay Ahayd Waxana Iskaya Baray Mid Ka Mida Asxaabtayada Waxana Uu Ahaa Qof Qiimo Badan Oo Dadka Xidhiidhiya ,Oo Niyad Wanagsan Marka Aad Kulantaan Kugu Qaabila Jawi Farxadeed Hadalada Uu Ku Odhanayana Way Misanayeen, Siday Sidaa Ahayd Saxibkay Waxa Uu Ka Mid ahaa Bahda Hayadda Havoyoco Gar ahaan Sircus ka Markii Danbe waxa uu Bartay Culuumta Saxafada Waxana Noqanay Isku Bah Inbadan ayu Kasoo Sheeqayay Goobo Badan Waxana uu ahaa Qof La Tashada Dadka Oo Jaclaa Markasta Inuu Nolasha Ka Gaadho Guul,

Ilahay Godka Ha Nuure Saxiibkay Marxuum Suxufi Sharmaake Oday Waxa Aan Ku Xasusan-doona Daganaanta,Qiimaynta ,Ixtiraam Iyo Qadarin ,Ku Xidhnaasha Xadhiga Ilahay ,Waxa Kale uu Ahaa Qof Ku Degdega Waxa Khayrka Ah,Kaftan Jecel,Farxadbadanaa Af Gaaban ,Marna wanan Ilaawi Donin, Waxa uu ahaa Shakhsi Ka Fog Xanta Iyo Wax Ka Sheeg Qof Kale Waligay Ma Arag Marxuum Sharmaake Oday Ilahay Godka Ha Unuree Isaga oo Cid La Kale Hayo Ama Cid Is Haysataan Waxa U Ahaa Saxiib anan Ilawayn Waligay.

Maanso Baroordiiq Ah Uu Hore U Tiriyay Abwaan C/salaam Cara Dhuub Oo Ku Duugan Tahay Muragada Iyo Naxdinta Ay Leedahay Geeridu Horay Somalidu Ugu Maahmahday Geeridu Waxay Ku Wacan Tahay Geel Jire Iyo Nimanad Garanayn.

*Inta ay Ilmadu hibiq i tidhi oogsadoo kacaye

*Marna aamusoo layga waa Eray jabkiisiiye

*Hadii aan Hurdada eeg is idhi waanay imanayne

*Anfaciyo Cuntadii lay hordhigay oomamays malehe

*Imaaraad warkii nagaga yimi eednay baan idhiye

*Idaacada iyo Reedyawga yaa Aaladood jabiya

*Wariyihii akhriyey baan is idhi aamuskaw wacane

*Cali Sugule Aar buu ahaa Ibaha Maansode

*Haduu Iilku dhacay waw baqaa Aradka Soomaale

*Isha Gacanta Oftiyo Lugahaa Iini kaga taale

*DHegaa Ereyadiisii bartaa Awdan maantaba e

*Ingiriisba guubaabaduu ku eryey guuray

*Tilmaantii Waddani uu ahaa yaa inaabsadaye

*Afsomaliguu dhigi jirayna wuu aradayaaye

* Wuxuu ahaa Aftahan Macalinoo laga Ul qaataaye

*Afhayeenkii Dhaqankuu ahaa so abaabulaye

*Iftiinkiyo Dabkuu daaray iyo Oogtiiba ashidane

*Wax dhaxuu Ababulay kacdon odhah u baahnaaye

*Ohda iyo Dareenkiisi baa ulay dadkeeniiye

*Intuu Hees amaamuday ku saar aadanaw calane

*Ubaxa iyo Midhuhuu Sarcaan wali u aynaaye

*Wax dhaaxuu intuu soo Onkoday Arartay Gerare

*Ayaantii Ina Galaal uu dhintaye aamuska ay jogtay

* Waatuu Xabaashii awaday Ulayna Geeraare

*Waatuu wixii uu ahaa aad u faaqidaye

*Inta uu Siyaad ula ladhacay uu u Anafooday

*Ordoo tag iyo waatuu ku yidhi Aaskan maad lihide

*Nin Abaal gashaday buu ahaa Eheladiisiiye

*Adhi daaqsintii kama Fekero aragti dheeruuye

* Wuxuu ahaa Ilaashaa Dalkiyo Ooda dayrka ahe

*Wuxuu ahaa Abaan duule aan cidi ataagayne

*Markuu Aaga Cadaw kaa xigsado aamin baad tahaye

*Iidaan iyo sidii Gaariyaan aad u tabayaaye

*Abkii Timacadiyo Waa Xaleefu ekihiisiiye

* Gacmadhere Uubtii ladhigay buu ifinayaaye

* Aramida iyo Nabarka idam qaday wa Abwan tagaye

*Allahaw Adaa Adamaha Oofsadoo dila e

*Ilaw shiiyahaygii hadaan Iinkagakay Diinta

*Aakhiro Allaw haygu qaban Eed kamaan wadine

*Markaklna Ergaan kuu ahaye Oofi ducadayda

* Adigaanay waxbaba kugu ahaynin aad samaysaaye

* Allahayow Albaabada Janada Aayar u ga sii fur

*Halka Uduga wayn iyo Sariir uga Asteeyoo dhig

*Xuurar cayn Ilwaad quruxsan Oooryo iyo Xaasas

* Adigay Awoodaada tahee Aqal u siiseexi Allaa Mahadleh ,

Hadaan isdhaho Ka Falood wanagiisi,Dabeecadiisa ama Dadnimadiisa Kama Gayoonayo Lakiin Dhamaanteen Waxa Nagu Waajiba Inaan U Ducayno Oo Uu Akhrina Jis Qur,aan Ahaa Oo Markasta Oo Aan Cibadasanayno U Ducayno isaga Iyo Umada Islaamkaba Ee Dhintay Inu ILAHAY Ku Manaysto Janooyinkiisa.

W/Q: Suxufi Khadar Hanad

Burco/Somaliland

Wariyekhadar@gmail.com