“Wuxuu U Ciyaaraa Koox Ay Garoonka Ugu Jiraan 11 Qof Ee Mesut Kaligiisa Garoonka Soo Ma Galo” Wakiilka Ozil Oo Diiday Eedeynaha Xidigaan

0
565

Mesut Ozil ayaa sabab looga dhigay guuldarooyinka Arsenal inkastoo uu kooxda kali ka yahay, sidaasi waxaa qaba wakiilka xidigaan asal Turkey-ga ah ee Dr Erkut Sogut oo aaminsan in xidigaan si cadaalad daro ah loogu eedeeyo Gunners.

Ozil ayaa marka soo bandhigay qaab ciyaareed argagax leh kulankii ay gumaadka kala kulmeen Bayern Munich lugta koowaad ee tartanka Champions League wareegiisa 16 ka, waxayna saxaafada ingiriiska inta badan eeda dusha uga tuureen xidigaan heerka caalami ee xulka Germany.

“In la eedeeyo ciyaartooyda marka ay si xun u ciyaaraan waa wax iska caadi ah” ayuu  Sogut u sheegay BBC Sport isagoo intaa ku daray “Laakin Mesut wuxuu dareensan yahay in dadka badankood aysan fiirineyn qaab ciyaareedkiisa ee ay ka dhiganayaan eedeysanaha ugu weyn ee dhibaatada ku ah kooxda marka ay natiijadadeeda xumaato”.

Wakiilkaa ayaa Arsenal ku eedeeyay ineysan heysan ciyaartooy khad dhexe ah oo kubada u soo qabta marka aysan heysan ” SIdee qof ka ciyaaraya booska No.10 uu fursad u abuuraa hadii kooxda aysan heysan kubada ?

“KUlamadaan oo kale, dadka waxay diirada saaraan dadka laga soo bixiyay lacgao badan ama mushaar ahaan u qaata lacago badan, marwaliba isaga ma ahaan karo qofka eedaha la kulmo xitaa haduu lacag badan qaato, cadaalad ma ahan midas, wuxuu u ciyaaraa kooxda kubadeed, wuxuu qeyb ka yahay Arsenal oo aanan si fiican u ciyaareyn, 11 ciyaartooy ayaa garoonka ku jirta laakin Mesut ayaa la eedeynayay, isaga miyaa sabab u ahaa in Arsenal laga dhaliyo shan gool ?” ayuu dadka weyn wakiilka Mesut Ozil.