Xaaska safiirkii Gariigga ee Brasil oo ku lug yeelatay dilka saygeeda

0
368

Booliska dalka Barazil ayaa sheegay in xaaska safiirkii Gariiga u fadhiyay dalka Brazil ay qiratay inay shirqooshay saygeedii, iyadoona uu dilay Sarkaal Booliska dalkaasi ka tirsan, oo uu xiriir kala dhaxeeyay.Booliska Magaalada Rio de Jenero, ayaa habeenkii Khamiista meydka Amb. Kyriakos Amiridis ka helay gaari gubtay oo la soo dhigay gudaha xaafadda Nova Iguacu oo ka tirsan magaaladaasi.
Dilka Safiirka ayaa waxaa gaystay Sergio Gomez Moreira oo ka tirsan Saraakiisha Booliska magaalada Rio, sida uu Warbaahinta u sheegay Evaristo Pontes oo ah Sarkaal sare oo u hadlay Booliska magaaladaasi.

Evaristo Pontes ayaa tibaaxay in Safiirka la qaarajiyay habeenkii Isniintii, hadana ay baaritaan ku wadaan ula jeedada dhabta ah ee loo dilay, maadaama ninkii booliska ahaa ee toogtay Kyriakos Amiridis uu qirtay in xaaskiisa ay ku amartay inuu ninkeeda uu qaarijiyo.