Xafladii Madaxtooyada Ee Xuska 18 May Oo Qaadhan Uruurin Balaadhan Laga Sameeyey iyo Lacagta Oo Kor U Dhaaftay Saddex Milyan iyo Boqol Kun Oo Doolar In Ka Badan + Sawiro

0
515

Xafladii Madaxtooyada Ee Xuska 18 May Oo Qaadhan Uruurin Balaadhan Laga Sameeyey iyo Lacagta Oo Kor U Dhaaftay Saddex Milyan iyo Boqol Kun Oo Doolar In Ka Badan

 

Hargeysa (WSN) Xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland oo lagu qabtay munaasibada xuska 18 May oo qaadhaan uruurin loo badelay ayaa caawa laga uruuriyey lacag dhan saddex milayn iyo boqol kun oo doolar in ka badan, waxaana munaasibada ka soo qayb galay ganacsatada waaweyn ee qaranka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa farrin qaadhan uruurin ah u diray bulshada munaasibada isugu timi, waxaanu khudbadiisa kaga hadlay madaxweynuhu muhiimada ay leedahay in laysku tiirsado, wax lays taro iyo in loo gurmado dadkeena abaaruhu ku aafeeyeen.

Munaasibada qaadhaan uruurinta oo toos looga daawanayey warbaahinta ayaa waxa ka soo qayb qaatay shacabka somaliland ee qurbaha ku sugan, iyaga oo liiska qoraalka iyo adeegyada kala duwan ee lacagaha lagu diro kaga soo qayb qaatay qaadhanka.

Khudbadii madaxweynaha

“Mudanayaal iyo marwooyin ugu horayn,milgo iyo maamuus weyn ayay ii tahay,in aan caawa idinku martiqaado munaasibaddan qaran ee ka dhacaysa qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland .

Mar labaad waxa ii sharaf ah inaan idinka hambalyeeyo xuska sannad guurada 26-aad ee madaxbanaanida Somaliland, mudanayaal iyo marwooyin sanadkan waxaan ummad ahaan inagu habsatay abaaro ba’an oo waxyeello weyn u geystey dadkii, duunyadii aynu dhaqanaynay iyo deegaankii aynu ku noolayn intaba.

Daraasad hordhac ah oo la sameeyay waxa lagu xaqiijiyey in qiyaas ahaan boqolkiiba todobaatan xoolihii noolaa ay dhamaadeen, waxa makhraati ma doon ah in xoolaha nooli lafdhabarta dhaqaalaha dalkeena, maadama boqolkiiba sagaal iyo sodon ay ka yihiin dakhliga dalka (National GDP).

Markii ay dad badan ay xoolihii ka baxeen waxay dantu ku qasabtay  inay ku xeroodaan magaalooyinka, shaki kuma jiro in nolosha magaaladu ay ku tiirsan tahay miyiga iyo reer guuraaga, sidaas darteed waa dhaawac iyo dhiig bax inagu yimi.

Mudanayaal iyo marwooyin inkasta oo uu roobkii inoo da’ay, qaylo dhaantii abaartana ka nasanay waxa dhaba inay ina dhaxal siisay dhibaato weyn oo u baahan gurmad deg-deg ah iyo qorshe aynu kaga soo kabanno tabaalihii abaarta.

Mudanayaal iyo marwooyin qoysaskii aynu xiligii abaarta caawinay waxay soo doogeen iyagoo badi caydha xeradii xooluhu uga buuxi jireena ay madhan tahay oo cuud iyo calaf kalana aany haysan.

Hadaba markii aanu arkay duruufaha dalku ku jiro waxaan garwaaqsaday in loo baahan-yahay in mar labaad aynu samayno gurmad qaran sidaa darteed waxaan u beddelay debaaldegii iyo damaashaadkii 18-ka May,oo ahayd munaasibadii qaran, qaadhaan ururinta ballaadhan oo aynu ku taageerno dadkeena tabaalaysan.

Si looga midha dhaliyo mashruucan qiimaha badan waxaan magacaabay guddi Qaran oo ka kooban noocyada kala duwan ee bulshada, culimo aw diin ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan xukuumada .

Guddidan waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururinta ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May ilaa 26-ka June 2017.

Qaadhaan ururinta oo socon doonta muddada 45-ka cisho waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha kuwaas oo ay kamid yihiin:-

  1. In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.
  2. In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.
  3. In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.
  4. In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xiliga jiilaalka.
  5. In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xili roobaadkan.

Anigoo ka damqanaya dareenka dadkayga, islamarkaana ka duulaya go’aankaa aan qaatay, waxaan xalay u yeedhay qayb ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka.

Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo shirkadaha dahabshiil group,Telesom Group, Somcable iyo berbera Oil Group (shirkadaha shiidaalka dalka keena),qaadhaankii iyo taageeradii weynayd ee ay ugu deeqeen dadka walaalahooda ah, sidoo kale waxaan ku bogaadinayaa ganacsatada qaranka, kaalinta iyo doorka ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalka,adkaynta nabadgelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo daryeelka bulshada.

Dhinaca kale waxa dhammaan gobollada dalka laga bilaabay olole qaadhaan ururin ah, kaas oo muujinaya sida ay bulshada isugu tiirsan tahay  islamarkaana isugu tashaday.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhalinyaradii mutadawiciinta ahayd (Volunteers),ee hawlaha qaadhaan ururinta gobollada u dhabar adaygay.

Hadaba duco-qabayaal, waxaan caawa munaasibadan idinkaga codsanayaa inaad si mug leh uga qeyb qaadataan qaadhaan ururinta ka soo kabashada  abaaraha.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad sidii caadada indiin ahayd aad maalkiina badh goysaan.

ALLEHEEN tubta toosan ha ina waafajiyo

ALLAHEEN boggeenna iyo beerkeenana burcad ha isu mariyo

ALLEHEEN ha inoo wada naxariisto .

ALLEHEEN aafooyinka abaarta iyo beladaba ha ina hareer mariyo.