telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xaglo-Toosiye Oo Sheegay Inuu Damac Siyaasadeed Somaliland Ka Leeyahay, Si Adagna Gaashaanka Ugu Dhuftay Warar Sheegaya Inuu La Baxsanayay Gawaadhi Ay Dawladdu Leedahay

Hargeysa, (Warsugannews) – Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadlay warar maalmihii danbeeyey bulshada reer Somaliland isla dhex maraysay oo sheegay in wasiirku uu ka baxayo Somaliland oo uu jabhadii SSC uu dib uga soo cusboonaysiinayo magaalada Buuhoodle.
Mr Xaglatoosiye waxa uu sheegay in wararkaasi aanay waxba ka jirin, isla markaana han siyaasadeed oo gaadh siisan madaxwayne uu ka leeyahay somaliland, waxaana uu in taasi raaciyay in somaliland uu hantidiida u badani ay taalo somaliland sidaasina waxa uu ku sheegay mar uu shalay ka hadlaayay xilwareejinta wasaarada caafimaadka.
Wasiirkii hore ee Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo ugu horayn arimahaasi ka hadlaaya ayaa yidhi, “Aniga waad igaranaysaan oo dalkan tacab badan ayaa igaga jira han siyaasadeed ayaan leeyahay oo waxaan isku sharaxay madaxwayne ku xigeen waliba hankaasi waa igu jiraa in aan madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ka noqodo waanan raadinaya , anigu hantiile ayaan ahay hanti daydu hargaysa ayay taala xaas kayga ayaa dagan oo caruurtayda ayaa dagan, waan ku koray oo waxaan kaga baxay dugsi hoose dhexe”
Ex: Wasiir Xago-Toosiye Sida oo kale waxa uu wax laga yaabo ku tilmaamay in gawaadhidiisa intoo laqabto layidhaa wuu la baxsanaayay markale wasiirka oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa yidhi,“ waxaan aad ula yaabay ninka yidhi wuu baxsanaayay baabuur aan anigu mid leeyahay midna ay wasaaradu leedahay oo anoo wasiira amarkayga ku baxay ayaa inta burco lagu qabtay layidhi way bax sanayeen maaha wax cusub Ale ha unaxariistee qaybe oo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa gaadhi uu leeyahay diray waxaa lagu qabtay Qorilugud oo layidhi xadka ayuu ka baxayay oo waa la’la baxsanaayay Qaybe ayaa hadlay oo yidhi xadka somaliland ma Qorilugudba ana maanta waxaan leeyahay xadka somaliland ma Burcaa u malayn maayo in madaxwayne muuse biixi arinkaasi wax ka og yahay laakiin waxaan idiin sheegaya in aan waligay aanan halkan ka tagi doonin oo aanan aji nabi ahayn aji nabiga ayaa layidhaa waa uu baxsanayaaye”  ayuu yidhi Wasiir Xagla-toosiye, waxaanu intaasi ku daray In Somaliland ay tahay dal lawada leeyahay ee aanay ahayn in beeli leedahay waxaana uu madaxwaynaha cusub ugu baaqay in nabadaynta gobolada bari ay halkaasi ka wadaan waxaanu yidhi , “Inta aamin san in somaliland ay beeli leedahay aad ayaan u nec bahay oo waxaan leeyahay nacdal hakudhacdo, waxaa kale oo nec bahay in dhanka yagaa ka soo jeeda ee aamin san in beeli halkan leedahay waxaa kale oo layaabay dadka yidhi gawaadhida Buuhoodle ayaa la gaynayay oo qoryo ayaa la saarayay, waxaan idiin sheegaya masalaha ayaan daganahay oo hadaan dagaalamayo halkaas ayaan ka bilaabaya, waxaan aad ugu mahad naqaya madaxwaynihii hore ee aan la soo shaqeeyay kalana soo shaqeeyay nabad gobolada aan ka soo jeedo hadana waanabad, waxaa jirta deegaano aan somaliland gaadhin oo gobolada bariga oo Buuhoodle ayaa jirta oo wax yar ayaa ka hadhay intaa ka hadhayna waxaan u malaynayaa in aanay xukuumadaydii aan ka mid ka ahaa aanay wakhti siin hadii la sii lahaa nabada ay qaadan lahaayeen, madaxwaynaha cusubna waxaan ugu baaqaya in nabada gobolada halkaasi ka siiwado” Ayuu yidhi Ex: Wasiir Xago-Toosiye.

 

132 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins