XIGMADDA MAANTA: MAHATMA GANDHI: QALINKA AMB DIINAARI

0
1014

Saaxibayaal maanta waxaan soo qaatay oo aan jecleystay inaan idinla wadaago Halgamihii weynaa ee reer Hindiya Mahatma Gandhi. inta aan xigmadi laga dhaxlay idiin soo gudbin bal aan xuso waxyaabaha lagu xusuusto.
Mohandas Karamchand Gandhi oo loo yaqaano Mahatma Gandhi amo Mahandas Gandhi wuxuu ku dhashay magaalada Gujirat ee Galbeedka Hindiya, qoys ganacsato ah ayuu ka dhashay.
Mahatma Gandhi wuxuu hogaamiyay Dhaqdhaqaaqi xorriyad doonka Hindiya oo Ingiriisku gumeysan jiray. Gandhi wuxuu horseed u nqoday Gobanima-doonka gaarsiiyay Hindiya Xorriyadda ay maanta haysato.

Mahamata Gandhi wuxuu dhaqdhaqaaqiisa raadinta xuquuqda Baniaadmiga wuxuu ka bilaabay isagoo Qareen ah Lawyer,kadibna wuxuu usoo wareegay dalkiisa Hindiya oo Ingiriisku gumeysanaayay sanooyin fara badan,wuxuuna hogaamiye ka noqday Xisbigii Indian National Congress Party. Mahtama Gandhi waxuu keenay Mab’da ay bulshooyinka dunidu qaateen oo ilaa maanta la isticmaalo oo la yiraahdo Dhaqdhaqaaq Rabshad La’aan ah amo si Nabad ah u dhaqdhaqaaq xuquuqdaadana ku doono si rabshad la’aan ah NON-VIOLANT CIVIL DISOBEDIENCE- Mahtma Gandhi Dadka Hindida wuxuu ku yiri Rabshad maya, laakiin isu soo baxa oo diida wixi aadan dooneyneyn ee Gumeysiga Ingiriisku wata,wuxuuna markii ugu horreysay uu diiday Canshuurtii Dhulka ee Gumeysiga Ingiriisku ka qaadi jiray.Arrimihii la yaabkaa ahaa ee uu kula dagaalamay Gumeysigii Ingiriiska waxay aheyd Dagaalkii Cusbada oo ka joojiyay Ingiriisku inuu dhoofsado,wuxuu kaloo dadkiisa ku yiri ha gadanina Shaaha warshadaha Ingiriiska lagu soo sameeyo, taasoo dhabar jab ku noqotay Gumeysigii Ingiriiska.

Hoggaamiye Mhatma Gandhi wuxuu kaloo Dadka Hindia fahamsiiyay iney ku tala galaan waxa ay haystaan oo aanay iibsan waxa gumeysiga Ingiriisku dibadda ka keeno, wuxuuna caan ku ahaa inuu xiran jiray laba Go’ oo cad cad, Gandhi wuxuu ka tagay raadad wali ay isticmaalaan dad fara badan oo xuquuqdooda u dhaqdhaqaaqa oo halgan ku jira. Haddii aan soo qaadano mid ka mid ah Xigmadihii uu ka tagay ee Barnaamijkeena Xigmada Maanta waxaa ka mid ah;- Power is of two kinds. One is obtained by the fear of punishment and the other by act of Love. Power based on Love is a thousand times more effective and permanent then the one derived from fear of punshiment. oo macneheedu yahay” Awoodu waa labo nuuc mid ku timaada ama lagu helo Cabsi iyo ciqaab iyo mid ku timaada Jaceyl. Awwoda saldhigeedu yahay Jaceylka waxay kun jeer ka waxtar badan tahay tan ku timaada Cabsida iyo ciqaabta.

Hoggaamiye Mahtama Gandhi waa runtiis waxaan xusuustay Arafti kale oo Nin filosof ahaa oo lagu magacaabi jiray Emmerson oo isna yiri Qofka qasab ma oga badali kartid cirbad dulkeed fikradiisa uu aaminsan yahay ilaa aad ku qancido inuu fikradaasi,marna Awood aad ku keento amo ku haysato Cabsi iyo Ciqaab ma sii jiri karto waana lagaaga soo horjeesan goorta ay noqotaba,waxaase jiri karta tan ku timaada Jaceyl, daacad iyo u jilicsanaan Dadkaada, waxaana Taariikhda ka baranay Hogaamiyayaasha awooda isticmaala waa kuwa Cuqdad qaba oo aan isku kalsooneyn u fiirsada. Dadkaada marna cabsi galin iyo Ciqaab makugu jeclaanaayaan.
Saaxibayaal caawa Xigmada maanta halkaasi aan ku soo afkaro hadduu kaa istaahilo Like saar,sharena dheh si dad badan u aqristaan.