telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xildhiban Ibrahin Mahdi Buuba Oo Ka Hadlay Nidaamka Siyasadeed Ee Dalku Ku Dhisan Yahay

Hargeysa, Somaliland – Xildhiban Ibrahin Mahdi Buuba, oo kamid ah mudanayasha aqalka wakiiladda jamhuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay dhowr arrimood ku sabsaan nidaamka siyasadeed ee dalku ku dhisan yahay, kaalinta xisbiyadu ka qaatan kicinta qabyalaada iyo haweenka.

Kulan ka qabsoomay magalada Hargeysa, maalinti shalay, oo ay soo qaban-qabiyeen ururka dalada ah ee HAWO kuna marti qadeen haweenka sadexda xisbi qaran ee jamhuriyada Somaliland. Waxana kulanka lagu lafo gurayee sidii haweenka dalka uu heli lahayeen islamarkana uga qayb qadan lahayeen siyaasada dalka.

Xildhiban Ibrahin Mahdi Buuba, ayaa uu mahad celiyee ururka dalada ah ee HAWO iyo urur ka diwangashan dalka Kanada taageera arrimaha haweenka, waxana inta kadib uu gudo galay xildhibaanku nuxurka khudbadisa sooyaalka taariikheed ee qaab-dhismeedka nidaamka asxaabta siyaasadu soo mareen. Waxana uu sheegay in dastuurka dalka uu yaala uu qeexay wadada loo marayo furista ururada asxaabta siyaasadeed islamarkana dastuurka dalku tilmaamay waxyabaha ka mabnuuc ah in ururada lagu asaasi Karin qabyalaad, dad gaar ama koox gaar ah, haween keliya, dhalinyaro keliya, culimo farqad diimeed gaar leh iyo gobol keliya midna lagu asaasi karayn.

 

Halkan ka dawo hadalka xildhiban Ibrahin Mahdi Buuba;

524 total views, 2 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins