Xisbiga Waddani oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Qodobo ay Asxaabta iyO komishanku isla Meel dhigeen

0
379

Waddani

 

REF/XIS/WAD/XDH/2282/2015                                                       Taariikh: 28 Dec, 2015

 

 KU: Komoshinka  Doorashooyinka Qaranka .                                                       =Hargeysa=

OG: Xisbiga UCID                                                                                                      =Hargeysa=

OG: Xisbiga Kulmiyey                                                                                                =Hargeysa=

 

 

UJ:  Mawqifka Xisbiga WADDANI  ee Diiwaangelinta Degmada Buuhoodle.

 

Waxa bishii  08/15/2015 koomishinka Doorashoyinka  oo hor kacaya Guddida  Heer Qaran ah ay soo sareen,war bixin ku saabsan safar xaqiiqo raadis ahaa, looguna kuur gelayey meelaha ay Diiwangalinta codbixiyuhu ka qabsoomi karto iyo meelaha culayska siyaasadeed ka jiro.

Waxa war bixintan lagu sheegay meelaha la maray,meelaha aan la marin iyo sababta loo mari wayay oo ahayd xalada nabadgalyada oo aan suure ka dhigayn,waxa kale oo Gudiddasi talo ku soo jeedisay in wax laga qabto deeganada tabashadu ka jirto inta ka horaysa bilawga diiwan galinta codbixiyayaasha.

Waxa hada laga jooga mudadaa gudidu soo sartay war bixinta afar bilood iyo badh,wax dhaqaqayna ma jiraan ilaa hada  oo Xukumadii talada loo gudbiyay wax talaabo ah may qaadin ilaa maanta,wax hada u qorshaysana may sheegin oo ay qaadayso,waxaana muuqata inaanay waxba ka qabanayn arimaha ka tagan Degmoyinka Buhodle,Badhan,Taleex, Dhahar oo intuba u bahan in durufahooda siyaasadeed wax laga qabto.

Degmada Buhoodle waxay ka mid ahayd meelaha aan gudidu tagin sababo amni awgeed, hadana Xisbiga WADDANI  waxa uu aminsan yahay inaanay qayb ka mida Buhoodle hada raaci Karin diiwan galinta ka qorshaysan inay ka bilamanto  bisha JANAWARI badhtankeeda Gobolka Togdheer.

Waxa  kale oo Xisbiga WADDANI  ka soo hor jeeda,aqbalina Karin in laysku xidho degmada oo dhan oo ay qayb ka mida doorasho iyo diiwaan galin kasta oo wadanka ka qabsonta ka dhici jirtay iyo qaybta kale ee aanay hore marnaba waxba uga suuro galin doorasho iyo diiwan galin midna.

Waxa Xisbiga WADDANI  cabsi ka qabaa muwadiniinta u diyaarka ah inay diiwangalinta ka qayb qaatan ee sifo aan sharci ahayn looga joojiyo iyada oo dano siyaasadeed lagu marin habaabinaayo xuquuqdoda is diiwan galineed ,waxa ka iman kara.

Waxay komoshinka doorashoyinku  cadeeyen in ay u diyaariyeen agabkii sahlaayay in diiwangalini ka dhacdo Gobolka togdheer dhamaanti, Xisbiga WADDANI isaga oo taa ka duulaya waxa uu aminsanyahay in ay gobolka togdheer Diiwan galintu uga dhacdo si siman oo degmada Buhoodlena ka mid tahay.

Goobaha ka tirsan Degmad Buhoodle ee aanay hada suuro gal ka ahayn inay raacdo dagmeda qaybteeda kale,waxaanu ogolahay in dib loo dhigo ilaa inta laga sugaayo amaanka,lana raaciyo meesha ay ku soo beeganto gobolada ugu danbeeya xiliga diiwan galinta sida Sanaag ama Sool.

Waxa Xisbiga WADDANI u arkaa sharci daro in laba muwadin oo midna diidanyahay diiwan galinta midna ogolyahay laysku xidho,muwadinkii diyaarka u ahaa diiwan galinta lagu yidhaa sug inta muwadinka kale ogalaanayo diiwan galinta.

Komoshinku waxay u xilsaranyihiin in ay diiwan galiyaan muwadin kasta oo diyaar u ah in loo diiwan galiyo ka qayb qadashada Doorashoyinka kala duwan sida uu dhigayo Xeer 37 Qodbkiisa 25 aad , hadii aanay sifo sharciya oo u diidasana jirin.

Xisbiga WADDANI  waxa uu u arkaa soo jeedinta xukumada ee ah in Degmada Buhoodle dhamaanteed lays wada raciyo mid diidan iyo mid ogolba  Diiwan galinta codbixiyayaasha , lagana joojiyo wakhtigan ay ka bilaamayso gobolkay ka tirsanayd  ee Togdheer,soo jeedin  aan sharici ahayn xad gudubna ku ah muwadiniin u diyaar garoobay inay is diiwaan galiyaan.

Xisbiga WADDANI waxa uu aaminsan yahay in Diiwan galinta laga fuliyo goobaha Buhoodle ka tirsan ee ay ka qabsoomi karto diiwan galintu horena uga qabsoomen doorasho iyo diiwangaliniba (qori lugud iyo wixii raacaba) iyo in dib loo riixo meelaha aan hada wakhtigan raaci Karin degmada inteeda kale.

Xisbiga WADDANI waxa u muuqata shaqadii  ay ka gaabisay Xukumada hada talada haysa ee ahayd soo afjarida tabashooyinka degmoyinka qaar ee bariga Sanaag , Sool iyo Buhoodle  inay ku doonayso  ama marmarsiinyo ka dhiganayso ay ku wiiqdo geedi socodka diiwangalinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka wadanka laga qorshaynaayo inay ka qabsooman.

Xisbiga WADDANI isaga oo xishmad iyo qadarinba u haya komoshinka dorashoyinka qaranka Somaliland,iskana ilaaliya in wax mad madaw ah  soo kala dhex galo,waxa uuga digayaa komoshinka  inay ku dhacan dabin ay soo qorshaysay xukumada talada ahaysa oo ay ku hardamaynayso qaab socodka diiwan galinta codbixiyaha iyo dorashoyinka.

Scan

ALLAH MAHAD LEH

Md. Maxamed Cabdillahi Uurcade

XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI