Xisbiyadda Oo Ka Jawaabay Hadalkii Farmaajo Ku Beerlaxawsanayey Shacabka Somaliland

0
707

Xisbiyadda Oo Ka Jawaabay Hadalkii Farmaajo Ku Beerlaxawsanayey Shacabka Somaliland

Hargeysa, 09 June 2020 (Warsugan)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinti Sabtidii ka hadlayey furitaanka kalfadhigga baarlamaanka, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayao hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wada-hadalladii.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland waxay ku tilmameen hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu madaxweynaha Somaliland aqbalay wada-hadalladii labada dhinac mid siyaasadaysan oo ku doonayo inuu dib ugu soo laabto kursiga madaxweynnimo ee Somaliland.

Xoghaya Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo yahay mid siyaasaddaysan oo Madaxweynuhu olole ka dhiganayo”Mowqif ahaan iyo Ucid ahaan waataannu aaminsanayn markii horre, guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu caddeeyey inuu Farmaajo galay waqtigii kambaynka in awoodii Madaxweynaha haysta wadahadalkii aynnu la bilownno, laakiin sabab aynnu maanta wadahadal ula bilownnaa aanay jirin. Laakiin markii labadda xisbi mucaarid iyo Madaxweynuhu isla eegeen waxa la isla gartay intaan doorashadda Soomaaliya abaabulkeedda la galin inuu Farmaajo caddeeyo af iyo qoraal in wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ay ku xidhantahay shardiga ah inuu caddeeyo Somaliland inay tahay dal ka madax-bannaan Soomaaliya si uu wadahadalkii u bilaabmo, marka taasinna ma muuqato.”Ayuu yidhi Yuusuf Kayse

Sidoo kale, Xoghayaha warfaafinta Yuusuf Kayse wuxuu tilmaamay inuu distuurka Somaliland yahay cod shacab oo awood leh “Midkalena shacabka waan u caddanayaa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee aynnu leenahay ee aftiddii dadka loogu coddeeyey qodobkiisa 1-aad wuxuu sheegayaa farqaddiisa 2-aad iyo 1-aad baa waxay sheegaysa in awoodda shacabku leeyihiin.”

Dhinaca kale, Xoghayaha Gaashaandhiga ee Xisbiga Waddani Xuseen Aadan Cadde ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo yahay mid siyaasadaysan oo uu ku doonayo ku ololaysto doorashadda Soomaaliya “Dawladdan Soomaaliya waqtigan ka dhisanni cimrigeeddu waa gabaabsi, siddan ay u hadlayaan waa nooc kanbayn oo kale, loomanna baahanna haddii uu wadahadal socdo inuu kanbayn ka dhiggo Farmaajo. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya abaal umu-dhigan Somaliland in la horfadhiistanna annigu maba jeceli.”Ayuu yidhi Xuseen Aadan Cadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here