XOG BUUXDA: P/Land oo ka baxday Garabka Xasan Sh – Waase kee Musharaxa ay wataan?

0
911

Olalaha doorashada Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah iyadoo musharaxiinta tartameysa ay xusul duub ugu jiraan sidii ay codadka xildhibaanada uheli lahaayeen.

Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sh Maxamuud ayaa dhawaan gool siyaasadeysan laga dhaliyay kadib markii kooxdiisa Damu-jadiid ay ku guul dareysatay iney hesho kursiga gudoomiye ku xigeenka koobaad ee barlamaanka Soomaaliya Faarax Cabdi Qaadir.

Si kastaba, Sh Shariif Sh Axmed ayaa ah musharaxa ilaa haatan ugu cad cad isagoo dadaal xoogan ugu jira sidii uu maamul goboleedyada ugu dhaadhicin lahaa inuu taageero ka helo.

RIIX HALKAN: AKHRI SEDEX QODOB OO UU MADAXWEYNE KU NOQON KARO XASAN SH

Magaalada Uganda waxaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Musharax Sh Shariif iyo musharaxa kale ee C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole iyo sidoo kale Faarax Cabdi Shirdoon, inkastoo aysan si rasmi ah usheegin iney heshiiyeen hadana ilo wareedyo ayaa sheegaya iney galeen isbahaysi siyaasadeed. Halkan ka daawo

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in musharaxa Sh Shariif uu kala heshiiyay Faroole in xildhibaanada reer Puntland ay isaga doortaan isla markaana uu ubalan qaadayo arimo dhowr ah.

BALANQAADII PUNTLAND EE SH SHARIIF

Hadii Sh Shariif uu ku guuleysto xilka madaxweynaha isla markaana uu arintaas garab kaga helo xildhibaanada labada aqal ee Puntland waxaa uu ubalan qaaday inuu sedex arin badalkeeda usameyn doono.

1- In Xubin kasoo jeeda Puntland uu ka dhigi doono Ra’isul wasaaraha umada Soomaaliyeed.

2- In Maamulka Puntland uu ugacan gelin doono 40 boqolkiiba dhaqaalaha deeqaha ah ee soo gala dowlada Soomaaliya.

3 – In Boqolkiiba 40 loo balan qaadayo Puntland dhaqaalaha gudaha dalka kasoo xarooda gaar ahaan inaanan wax laga weydiin doonin dhaqaalaha deegaanada Puntland kasoo baxa ee heer Federaal kuwa kalana loogu dari doono.

FIIRO GAAR AH: Heshiiskan ayaa kaliya dhaqan galaya hadii xildhibaanada Puntland ay ucodeeyaan Sh Shariif

YAA MASUUL KA AH HESHIISKA?

C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole ayay Puntland usoo wakiilatay in arimahan uu kala heshiiyo musharax Sh Shariif Sh Axmed, warar lagu kalsoonaan karo ayaana sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas uu aqbalay dalabka Sh Shariif ay ku taageerayaan.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Sh Shariif uu uduuli doono magaalada Garoowe, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas si loo dhameystiro heshiiskan siyaasadeed.

Si kastaba, Shabakada Wararka Warqaad qeybteeda dabagalka ayaa isha ku haysa dhacdooyinka la xarira olalaha doorashada dalka oo haatan meel xasaasi ah maraya.